Ciyaartii ugu dambeysay ee Lee Carsley uu si ku meel gaar ah u maamulay xulka sare ee England waxay ahayd mid laheyd mudnaan gaar ah.
Dhab ahaantii, qaar ka mid ah taageerayaasha iyo xitaa falanqeeyayaasha ayaa hadalhaya goolkii England caawa uu u dhaliyay wiil uu soddog u yahay ninka lagu magcaabo Roy Keane.
Goolkii Harwood-Bellis wuxuu qoray sheeko cajiib, marka la eego inuu yahay wiilka soddogga u yahay halyeeyga Ireland Roy Keane, kaasoo falanqeyn ka sameynayay ITV caawa.
Waa kuma Taylor Harwood-Bellis?
Maxaa kala dhaxeeya Roy Keane?
Daafaca Southampton ayaa guursaday Keane gabadhiisa Leah, wuxuuna ku tilmaamay xiriirka uu la leeyahay aabaha gabadha saaxiibtiis ah mid aad u wanaagsan.
Goolkii ugu horeeyay ee England u dhaliyay wiilka u soddogga u yahay Keane ayaa si lama filaan ah wax looga waydiiyay falanqaynta ciyaarta kadib?
“Aad bay ii farxad galisay tani,” ayuu yiri, ka hor inta aysan asxaabtiisa istuudiyaha u sharxin daawadayaasha xiriirka ka dhaceeya daafaca dhexe iyo gabadha falanqeeyaha ee Leah Keane.
Saxaafada England ayaa sheekooyin gaar ah ka sameeyay caawa wiilka Soddogga u Yahya Roy Keane ee goolka u dhaliyay England.