Khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay shaxda isbuucaan ugu fiicneyd horyaalka Premier League ka dib kulamadii 35aad ee la ciyaaray.
Arsenal ayaa weli hogaanka hal dhibic uga heysa Manchester City oo kulan uu u harsan yahay halka Liverpool ay si rasmi ah uga hartay tartanka horyaalka ka dib barbarihii ay la galeen West Ham. Chelsea iyo Man United ayaa iyagana barbaro lagu qabtay.
Goolhayaha todobaadkan ugu fiicnaa waxaa noqday goolhayaha Everton Picford oo badbaadino badan sameeyay gaar ahaan fursado ka beeniyay Ivan Tooney kulankii ay Everton 1-0 uga badisay Brentford.
Seddexda daafac danbe ee ugu fiicnaa todobaadkan waxay noqdeen xiddiga Newcastle Dan Burn oo si waali ah kubada u difaacday kulankii ay kooxdiisa 5-1 uga badisay Sheffield United. Daafaca Arsenal William Saliba oo u ceeb qariyay Gabriel iyo Declan Rice oo qalqal muujiyay markii Spurs ay labo gool soo ceshatay kulankii shalay. Iyo Daafaca Man City Gvardiola oo shabaqa ilaashaday islamarkaana hogaanka u dhiibay City kulankii Nottingham Forest.
Afarta khadka dhexe waxaa hogaaminaya xiddiga Arsenal Bukayo Saka oo gool uga qeyb qaatay guushii ay Arsenal ka gaartay Spurs, kabtanka Chelsea Gallagher oo soo laabashadii Blues sabab u ahaa kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Aston Villa. Idirissa Gueye oo dhaliyay goolkii qura ee ay Everton ku garaacday Brentford iyo Bowen oo caawin iyo gool isku darsaday kulankii ay West Ham barbaraha 2-2 ku qabatay Liverpool.
Weerarka waxaa hogaaminaya xiddiga Newcastle Isak oo labo gool dhaliyay kulankii ay garaaceen Sheffield United, waxaana caawinaya Antonio oo dhibic u xaqiijiyay West Ham kulankii Liverpool iyo Kai Havertz oo shabaqa u soo taabtay Arsenal kulankii ay 3-2 ku garaaceen Tottenham.