Arsenal iyo Tottenham ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin garoonka Tottenham Hotspur ee magaalada London, halkaas oo ay foodda isku darayaan kulan loogu magac-daray ‘North London Derby’.
Ciyaartan oo muhiim u ah labada kooxoodba ayaa waxa ay Arsenal doonaysaa inay guuleysato si ay kaalinta koowaad ee hoggaanka usii xajisato, laakiin Tottenham ayaa iyaduna doonaysa inay kusoo dhowaato kaalinta afraad ee ay Aston Villa ka haysato.
Mikel Arteta ayaa kusoo bilaabay isla shaxdii uu ku karbaashay Chelsea toddobaadkii hore oo aanu waxba ka beddelin, waxaana weerarka kusoo wada bilowday Kai Havertz, Bukayo Saka iyo Leandro Trossard, iyadoo ay kaydka fadhiyaan labada weeraryahan ee reer Brazil ee Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli.
Khadka dhexe ayaa waxa Martin Odegaard iyo Declan Rice ku wehelinaya Thomas Partey, halka labada difaac ee ay ku najaxday Gunners ee Gabriel Magalhaes iyo William Saliba ay dhinacyada ka xigaan Ben White iyo Takehiro Tomiyasu.
Dhinaca Tottenham, waxa weerarka ka wada ciyaaraya Heung-min Son, Timo Werner iyo Kluseveski oo ay caawinayaan Maddison, Bentancur iyo Hojbjerg.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Tottenham XI: Vicario; Porro, Romero, Van de Ven, Davies; Hojbjerg, Bentancur; Kulusevski, Maddison, Werner; Son.
Kaydka: Austin, Dragusin, Royal, Sarr, Bissouma, Lo Celso, Gil, Johnson, Richarlison.
Arsenal XI: Raya; White, Saliba, Gabriel, Tomiyasu; Partey, Rice, Odegaard; Saka, Havertz, Trossard.
Kaydka: Ramsdale, Kiwior, Zinchenko, Jorginho, Smith Rowe, Vieira, Martinelli, Jesus, Nketiah.