Kaddib laba guul-darro oo isku xigay oo horyaalka Premier League ay kasoo hoysay Manchester United oo ay min saddex dhibcood ka qaateen Fulham iyo Manchester City, waxa ay garoonka Old Trafford ku qaabbilaysaa Everton oo iyaduna u oomman inay libin gaadho, si ay sare ugu soo kacdo oo ay ugu soo dhowaato badhtamaha miiska kala-sarraynta.
Erik ten Hag ayaa qaatay go’aan ah in aanu waxba ka beddelin shaxdii uu kula ciyaaray Manchester City toddobaadkii hore ee guul-darrada xanuunka badan soo hoysay, iyadoo Rasmus Hojlund uu taam u noqon waayey kulankan.
Weerarka ayay ku midaysan yihiin Marcus Rashford iyo Alejandro Garnacho, waxaana caawinaya afar khad dhexe oo ah Scott McTominay, Bruno Fernandes, Kobbie Mainoo iyo Casemiro, halka difaaca dhexe uu taam usoo noqday Jonny Evans oo dhaawac kaga baxay ciyaartii City, waxaana uu ka garab ciyaarayaa Raphael Varane, halka dhinacyada difaacana ay kala joogaan Diogo Dalot iyo Victor Lindelof.
Everton ayaa dhinaceeda waxa ay lasoo gashay shax adag, balse waa isla safkii kulankii West Ham ee usbuucii hore guul-darrada soo hooyey.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester United XI: Onana, Lindelof, Varane, Dalot, Evans, Fernandes, Garnacho, Casemiro, Mainoo, McTominay, Rashford.
Kaydka: Bayindir, Mee, Kambwala, Ogunneye, Amrabat, Eriksen, Collyer, Amad, Antony.
Everton XI: Pickford, Godfrey, Tarkowski, Branthwaite, Mykolenko, Harrison, Onana, Garner, McNeil, Doucoure, Beto.
Kaydka: Patterson, Keane, Calvert-Lewin, Virginia, Young, Andre Gomes, Coleman, Chermiti, Dobbin.