Jamaahiirta Arsenal waxa usoo yeedhay war xun oo ay ka naxeen sababtoo ah waxa loo diidayaa in kooxdoodu ay isku xoojiso saxeexyada ay u baahan tahay bishan January, si ay ugu tartanto horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.
Sharciga cusub ee xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee la sameeyey markii ay ka baxeen Midowga Yurub, ayaa waxa uu tababare Mikel Arteta u diidayaa inay ciyaartooyo cusub lasoo wareegaan.
Arsenal oo xilli-ciyaareedkan ku bilaabatay si wanaagsan, ayaa hoos u dhacday kulamadii ugu dambeeyey oo ay hadda ku jirto kaalinta afraad, waxaana laga cabsi qabaa in sidii xilli-ciyaareedkii hore oo kale ay waqti dambe is-dhiiaan.
Liverpool ayaa hadda shan dhibcood oo nadiif ah ka horreysa, waxaana Arsenal shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay guuleysatay hal mar oo kaliya, iyagoo sidoo kalena ka hadhay tartanka FA Cup oo ay Liverpool ka reebtay.
Mikel Arteta ayaa loosoo jeedinayaa inuu la saxeexdo weeraryahan dabiici ah oo ka caawiya sidii ay uga faa’iidayn lahaayeen fursadaha badan ee ay helayaan, waxaana tusaale loogu soo qaatay ciyaartii Liverpool ee FA Cup oo ay 60 jeer goolka toogteen.
Dhaawacyada difaacyahannada ee kusii kordhaya iyo saluugga ciyaareed ee Oleksandr Zinchenko ayaa sidoo kale al sheegay in Arsenal ay ku qasbi doonto inay difaac cusub la saxeexato, waxaana lala xidhiidhinayaa Jorrel Hato oo u ciyaara Ajax, laakiin isbeddelka ku yimid sharciga FA kaddib markii ay ka baxeen midowga Yurub ayaa u diidaya inay la saxeexdaan laacibkan.
Hato oo ka ciyaara difaaca dhexe dhexe iyo sidoo kale difaaca bidixda ayaa bisha March ay da’diisu noqon doontaa 18 jir, waxaana uu sharciga UK diidayaa inuu tago Ingiriiska illaa inta ay da’diisu noqonayso 18 jir maadaama ay UK ka baxday Midowga Yurub.