Manchester United ayaa ceeb weyn ay ka soo gaartay kooxda Crystal Palace oo ku xasuuqday 4-0 kulankii xalay ee ka dhacay magaalada London.
Waxaan eegeynaa shan ciyaaryahan oo la isku raacay inay hormuud ka ahaayeen ceebta soo gaartay United, inkastoo midkoodna ciyaartoydii Red Devils ee ciyaaray uusan amaan mudneyn.
Casemiro
Waxay aheyd habeenkiisii ugu xumaa ee tan iyo markii uu ku soo biiray Manchester United.
Xiddiga reer Brazil ayaa laga ciyaarsiiyay mar kale booska daafaca dhexe laakiin waxa uu bilowgiiba sameeyay qalad u ogolaaday Olise inuu goolasha furo.
Casemiro ayaa isku dayay inay celiyo xiddiga reer France laakiin dabada ayaa dhulka loo dhigay taasoo keentay in daafaca Man United uu noqdo albaab iska furan.
Qeybtii labaad ayuuse ka sii xumaaday markaasoo uu kubado badan dhiibanayay gaar ahaan kubadii lagu soo dhisay goolkii labaad ee Olise.
Jonny Evans
Xiddig kale oo uu ceebeeyay weeraryahan Crystal Palace ah. Mateta kama mid ahan ciyaartoyda ugu orodka badan Premier League laakiin hadana si sahlan ayuu u garab marayay Evans.
Isaga Casemiro uma muuqan kuwa garoonka u soo galay inay kubada difaacdaan.
Christian Eriksen
Xiddigii hore ee Tottenham waxa uu ku dhex dhumay khadka dhexe. Waxaa dhinac iska dhigay Olise goolkii furitaanka. Eriksen waxba kuma uusan tarin Man United si ay u celiyaan Palace, sidoo kalena ma jirin kubad weerar ah uu ka qeyb qaatay.
Antony
Wax xiiso leh uu sameeyay ma jirin kulankii xalay, waxa uu ciyaarta ka ahaa rakaab.
Dhif iyo naadir ayay aheyd inuu tijaabiyo daafaca garab ee Mitchell, sidoo kalena wax gacan ah kama geysan difaacashada kooxda siiba garabkiisa iyadoo Palace ay cagta la dulmartay.
Mason Mount
Waa kulankiisii ugu horeysay ee lagu soo bilaabo tartamada oo dhan tan iyo bishi November, wayna ka muuqatay inuusan aheyn laacib lagu soo bilaabo kulan Premier League.
Orod aan natiijo laheyn ayuu sameynayay inta badan laakiin marka uu kubada helo waxba kuma uusan qabaneynin, waxaa laga ciyaarsiiyay booska No.10 wuuna awoodi waayay inuu gaashaan u noqdo labada xiddig ee khadka dhexe ee ka danbeeyay.