Waa shaqsigii Liverpool keenay xiddigaha ay ka mid yihiin Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah oo dib usoo noqonaya isaga oo jeebadda ku sita warqad ay ku qoran yihiin liiska xiddigo uu mar kale keeni doono Anfield.
Michael Edwards oo muddo toban sannadood ah joogay Liverpool oo uu xilal kala duwan kasoo qabtay laakiin intii u dhaxaysay 2016 illaa 2022 ahaa agaasimaha ciyaaraha kooxda, balse ka tegay shaqadaas ayaa dib ugu soo laabanaya Merseyside isaga oo isla xilkii qaban doona.
Liverpool wali si rasmi ah uguma aanay dhawaaqin magacaabista Michael Edwards oo ah 44 jir khibrad badan oo ay toosh ku raadinayaan kooxo ay ka mid tahay Chelsea, balse waxa la sheegay in wada-hadalladu ay dhamaad ku dhow yihiin oo uu kusoo laaban doono kooxdii uu muddada dheer ka shaqeeyey.
Michael Edwards ayaa noqon doona agaasimaha cusub ee Liverpool, waxaana shaqadiisa ugu horreysa ay noqon doontaa sidii uu kooxda u keeni lahaa tababare cusub oo beddela Jurgen Klopp oo dhamaadka xilli-ciyaareedkan macasalaamayn doona Liverpool.
Jamaahiirta Liverpool ayaa ka sugaya Michael Edwards inuu raaco dariiqii uu hore ugu dhisay kooxda ee sababta u noqday inay soo afjaraan 30 sannadood oo ay ka qatanaayeen horyaalka Premier League, isla markaana ku celiyo saxeexyadii uu hore u keenay naadiga oo kale.
Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegtay, in Michael Edwards uu qorshihiisa sannadka koowaad ka dhigan doono saxeexyada shan ciyaartoy oo uu ugu horreeyo xiddiga kooxda Napoli ee Khvicha Kvaratskhelia oo uu ku xoojin doono weerarka, si uu mustaqbalkana u noqdo beddelka Mohamed Salah oo sannad kali ahi uu ka hadhsan yahay qandaraaskiisa.
Waxa kale oo uu Michael Edwards doonayaa inuu Liverpool keeno difaaca midig ee Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong, weeraryahanka Bayer Leverkusen iyo xulka Nigeria ee Victor Boniface, difaaca Sporting Lisbon ee Goncalo Inacio oo u dhashay waddanka Portugal iyo Piotr Zielinski oo isaguna u dheela Napoli.