CEEBTII OLD TRAFFORD WAXBA KAMA BARANIN
Kulankii Old Trafford ee bishii December, United waxay ahaayeen kuwa caajis badan oo kubada ka gaabiyay. Klaiya uma aysan ogolaanin inay Bournemouth koontaroosho kubada, Red Devils waxay siiyeen boosas firaaqo ah oo ay kooxda Bournemouth fursado ku abuurto.
Waqtiba waqtiga ku xigay, cabsi darteed ayay afarta daafac danbe dabada la galayeen goolkooda iyadoo afarta weeraryahan ee Bournemouth ay wacdarro dhigeen. Si la mid ah kulankii xalay Erik ten Hag kooxdiisa uma diyaarinin halista Bournemouth laakiin markaan dhibic ayuu la fakaday.
ISKU DHEX YAAC RASMI AH AYUU ABUURAY
Haddii daafaca Man United iyo khadka dhexe ay isku wado ku socdaan, markaas labo wadan ayay kala joogaan. Mar kale xiddigaha khadka dhexe waxay doonayeen inay kubada raacdaan oo ay weerar tagaan halka afarta daafac danbe ay gadaal u guranayeen taasoo boos banaan ka abuureysay khadka dhexe gadaashiisa.
Dhowr jeer ayay dhacday in boosas weyn ay ka soo baxdo inta u dhaxeysa daafaca Man United iyo khadka dhexe, taasoo keeneysay in Bournemouth ay ka faa’ideysato. Taatiko kasta uu isku dayayay inuu Ten Hag kooxdiisa ku ciyaarsiiyo ma aheyn mid ay kooxda oo idil isla fahamsaneyd.
Bouremouth waxay heshay 12 darbo daqiiqadihi ugu horeeyay ciyaarta, waqti hore ayayna ciyaarta dili lahaayeen haddii uusan badbaadino fiican sameyn laheyn Onana. Aad ayuu u sahlan tahay in United fursado lagu helo.
WAN-BISSAKA OO SI QALDAN LOO ISTICMAALAYO
Waxay u muuqataa in waqti badan ay ka soo wareegatay tan iyo markii Jamie Carragher uu ku tilmaamay Aaron Wan-Bissaka daafaca ugu fiican ee kulamada hal ka halka ah. Markii uu joogay Crystal Palace iyo xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Ole Gunnar Solskjaer, Wan-Bissaka ayaa ahaa daafac adag oo weeraryahanada meel cidla ah kubada uga qaadanayay.
Cidna ma awoodeynin inay kubad la garab marto, waxa uu ku fiicnaa inuu weeraryahanada gees ku riixo islamarkaana kubada ka xado. Haatan wuxuu u muuqdaa mid jahwareersan oo aan kalsooni qaba madaama lagu dhiirogelinayo inuu horay aado oo uu raacdo daafacyada garbaha.
Raacasho ma ahan wax uu ku fiican yahay daafaca, wuxuu ku fiican yahay in isaga loo yimaado oo uu kubada difaacdo, laakiin haddii uu booskiisa ka soo dhaqaaqo mar walba waxa uu baneynayaa boos weyn oo gadaashiisa ah.