England ayaa u soo baxday semi-finalka Euro markii labaad oo xiriir ah, waxaana ay ku wajihi doonaan Holland kulan ka dhici doona Dortmund.
Qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ka soo gaadheen Switzerland ee wareega 8da ayaa keentay in ay u soo baxaan wareega afar dhamaadka.
Southgate ayaa muujiyay adkaysi, waxuuna sii wada inuu wax walba u sameeyo xulkan si ay riyadooda u rumeeyan.
Beddelka saddex dambe ayaa u muuqday mid wax ku ool ah, laakin, iyadoo ciyaartoydu ay ka soo laabteen dhaawac iyo ganaax, sidee ayuu tababaraha u maareyn doona?
Dhanka kale, su’aalo ayaa weli ku hareeraysan taam ahaanshaha iyo waxtarka kabtan Harry Kane oo ay u badan tahay in keeydka lagu soo bilaabo.
Netherlands ayaa kasoo gudbay wareegii 8da xulka Turkey, waxayna caawa isha ku haayan inay cagta saaran finalka tartanka.
Waa markii afaraad oo ay isku arkaan England iyo Netherlands tartan weyn.
Oranje waxa ay 3-1 ku badisay EURO 1988 waxaana 3 goolba u dhaliyay Marco van Basten.
waxaa ku xigtay barbaro gool la’aan ah koobkii aduunka 1990kii.
waxana ay 4-1 ku badisay England Euro 1996.
England ayaa badisay kaliya hal kulan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Netherlands tartamada oo dhan (4-bar-baro iyo 4 guuldarro).
waxa ay 1-0 ku badiyeen ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Amsterdam bishii March 2018.
England ayaa aaday waqti dheeri ah labadii ciyaarood ee Euro 2024 ilaa hadda.
Kaliya Portugal Euro 2016, Spain Euro 2020, iyo Italy Euro 2020 ayaa waligood aaday waqti dheeri ah seddex jeer hal koob oo final ah.
Netherlands ayaa badisay labo kulan oo kala duwan iyadoo laga dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Euro 2024, iyagoo 2-1 ku garaacay Poland wareega group-yada iyo Turkiga oo ay wareega 8da isku arkeen.