Kooxaha Premier League ayaa saxiixyo cusub ku qarashgareeyay kaliya 96.2 milyan ginni intii uu furnaa suuqa kala iibsiga Janaayo, waana lacagtii ugu yareyd ee muddo seddex sannadood ah oo ay kooxaha Premier League geliyaan suuqa kala iibsiga Janaayo.
Sharciga dhaqaale wanaaga Premier League ayaana sabab u noqday in ay si weyn hoos ugu dhacdo lacagihii waalida ahaa ee ay kooxaha Premier League gelinayeen suuqa kala iibsiga.
Waxay lacagtaan sideed jibaar ka yar tahay lacagtii ay kooxaha Premier League qarashgareeyeen suuqii kala iibsia Janaayo ee sannadkii hore oo gaareysa 780.1 milyan ginni.
Kaliya Aston Villa ayaa ciyaaryahan ay iska wada iibisay lacag kaash ah ku heshay, iyagoo 2 milyan ginni Finn Azaz uga iibiyay Middlesbrough.
Kaliya sideed kooxood ayaa ciyaartooy lacago la shaaciyay kula soo saxiixyaday iyadoo ay ugu sareyso Crystal Palace oo qarashgareysay 30.5 milyan ginni.
Tottenham waxay 26.7 milyan ginni kula soo wareegtay daafaca Genoa Radu Dragusin halka Manchester City (£12.5m), Aston Villa (£9.3m), Brighton (£7.9m), Nottingham Forest (£5m), Brentford (£2.6m) iyo Luton (£1.7m) ay yihiin kooxaha kale ee lacago la diiwaangeliyay kula soo wareegay ciyaartooy.