Liverpool ayaa kula soo biirtay Manchester City tartanka loogu jiro khadka dhexe ee xulka Germany iyo Bayern Munich ee Joshua Kimmich oo 28 jir ah, kaas oo qandaraaskiisa Munich uu sannad ka hadhsan yahay. (Bild)
Manchester United ma filayso inay la saxeexan karayso beddelka weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo galay qalliin muruqa sarcanta ah, isla markaana saddex bilood garoomada ka maqnaan doona, iyadoo qandaraaskiisuna ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Mail)
Man United waxa ay qorshaysay in suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ay ka samayso lacag dhan £100 milyan oo Gini, waxaana ciyaartoyda ay iibinayaan ay ku bilaabi doonaan Mason Greenwood oo amaah ugu maqan Getafe. (i Sport)
Bayern Munich ayaa iskaga hadhay doonisteeda difaaca reer England ee Kieran Trippier oo ay Newcastle diidday inay iibiso. 33 jirkan ayaa kusii negaan doona NewcastLe (ESPN)
Chelsea waxay ka fiirsanaysaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Aston Villa ee Jhon Duran oo ah 20 jir u dhashay Colombia oo lala xidhiidhinayo West Ham. (Telegraph)
Blues waxa ay go’aamisay qiimaha weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo amaah ugu maqan Roma, waxaanay dalbanaysaa £38 milyan oo Gini oo ay ku xidhayaan kooxda doonaysa inay la saxeexato. (Calciomercato)
Everton ayaa u sheegtay Arsenal iyo Newcastle qiimaha ay ku iibinayso xiddigeeda khadka dhexe ee Amadou Onana oo lagu naanayso ‘Yaya Toure-ha cusub’, waxaanay u xaqiijiyeen in kooxda bixisa £60 milyan oo Gini ay bishan January la wareegi karto 22 jirkan. (Football Insider)
Goolhayaha Newcastle ee Martin Dubravka oo 35 jir ah, ayaa go’aan ka gaadhi doona mustaqbalkiisa kooxdan, marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.(i Sport)
Arsenal waxay raacdo ugu jirtaa khadka dhexe ee kooxda PSG iyo xulka Netherlands ee Xavi Simons oo ah 20 jir amaah ugu maqan RB Leipzig xilli-ciyaareedkan. Waxa ay doonayaan in Xavi Simons uu noqdo dookhooda haddii ay waayaan xiddiga Portugal iyo Wolves ee Pedro Neto oo 23 jir ah. (Football Transfers).