Weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe ayaa sheegay, in aanay jirin sabab uu ugu biiri karayo Arsenal xagaaga soo socda, sababtana waxa uu ku sheegay in waddanka Ingiriisku uu yahay meel aad u qabow oo aanu ku noolaan karaynin. (Mail)
Garabka weerarka Chelsea iyo xulka England ee Cole Palmer ayaa mushahar kordhin weyn ka heli doona kooxdiisa oo uu wax ka yar sannad ka hor kaga soo biiray Manchester City. (Star)
Nice ayaa isku diyaarinaysa inay gaashaanka u daruurto in Manchester United uu ku biiro difaaca reer France ee Jean-Clair Todibo oo 24 jir ah. (Football Insider)
RB Leipzig ayaa u sheegtay Tottenham waqtiga kama dambaysta ah ee ay dhaqan-gelinayaan heshiiska amaahda ah ee ay iibka u beddelayaan weeraryahanka Timo Werner, haddii kalena ay tahay inay shaaciyaan inay dib iskaga soo celinayaan. Werner ayaa bishii January amaah ugu wareegay Spurs. (Express)
Manchester City waxa ay doonaysaa inay wada-hadallo la bilowdo goolhayaha reer Brazil ee Ederson oo 30 jir ah, kuwaas oo nuxurkoodu yahay inay u kordhinayaan qandaraaskiisa. (Star)
Newcastle iyo Chelsea ayaa ku tartamaya saxeexa Rayan Cherki oo ah 20 jir garabka weerarka uga ciyaara Lyon. (Fichajes)
Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Jamal Musiala, laakiin Bayern Munich ayaa dhinaceeda ku adkaysanaysa in aanay iibinayn 21 jirkan. (Fichajes)
Difaaca Bayer Munich ee Kim Min-jae oo 27 jir ah ayaa la sheegay in aanu ku faraxsanayn kooxdiisa Bayern, iyadoo la sheegayo in laacibkan reer South Korea ay doonayso Manchester United. (T-Online)
Manchester United waxa ay go’aansatay in ay iska fasaxdo Sofyan Amrabat oo uu dib ugu noqdo kooxdiisii ay amaahda kaga soo qaateen ee Fiorentina, waxaase durba uu dalab ka haystaa Juventus oo doonaysa 27 jirkan reer Morocco. (Gazzetta dello Sport)
Barcelona waxa ay doonaysaa inay dib usoo cusboonaysiiso weerarkii ka fashilmay ee ay ku doonaysay khadka dhexe ee xulka Netherlands iyo Feyenoord ee Mats Wieffer oo 24 jir ah. (Sport)
Kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ahli waxa ay doonaysaa khadka dhexe ee Atletico Madrid iyo xulka Argentina ee Rodrigo de Paul oo 29 jir ah. (Fichajes)