Liverpool ayaa qorshaheeda ku darsatay garabka weerarka Newcastle United ee Anthony Gordon oo ah 23 jir hore ugu ciyaari jiray Everton. Laakiin waxa sidoo kale laacib kan danaynaysa Arsenal oo sidoo kalena indhaha ku haysa Alexander Isak. (Star)
Garabka weerarka reer Colombia ee Luis Diaz oo 27 jir ah, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inay suurtogal tahay inuu tegayo Paris Saint-Germain, waxaana uu ku adkaystay inuu sii joogayo Liverpool. (Mirror)
Manchester City waxa ay xiisaynaysaa 16 jirka kasoo baxay kulliyadda Everton ee Douglas Lukjanciks oo ah goolhaye lagu qiimeeyey £10 milyan oo Gini. (Sun)
Newcastle waxa ay doonaysaa difaaca reer England ee Tosin Adarabioyo oo ah 26 jir si xor ah uga tegaya Fulham dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Mail)
Tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi waxa uu wali ku jiraa macallimiinta ay wada-xaajoodka kula jirto Bayern Munich oo doonaysa inay ku beddesho Thomas Tuchel. (Sport Bild)
Mustaqbalka Luka Modric ayaa la shaacin doonaa toddobaadka dambe si uu xaqiijiyey wakiilka 38 jirkan oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan. (Goal)
Everton, Brighton, Inter Milan iyo Wolfsburg ayaa isku haysta 23 jirka difaaca uga ciyaara kooxda AZ Alkmaar ee Yukinari Sugawara oo u dhashay waddanka Japan, kana ciyaara difaaca. (Florian Plettenberg)
West Ham waxa ay qorshaynaysaa in ay la saxeexato weeraryahanka reer Morocco ee Youssef En-Nesyri oo u dheela Sevilla. (Football Insider)
Tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaki geliyey mustaqbalka weeraryahanka reer Spain ee Ansu Fati oo waqtigan amaah ugu maqan Brighton. 21 jirkan ayaa inta badan xilli-ciyaareedkan ku qaatay dhaawacyo. (Goal)