Pepe ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu adag kubada cagta maanta, laakiin daafaca ruug cadaaga ah ayaa kusoo gaaray inuu sariirta hooyadii seexdo ilaa uu ka gaaray da,da 17 jirka.
Pepe wuxuu ku koray Brazil wuxuuna u guuray Portugal oo uu xirfadiisa kubada cagta ka bilaabay isagoo aad u yaraa.
Inkasta oo uu jir ahaan koray, haddana wuxuu u baahnaa jacayl iyo qaddarin badan oo uu ka helo hooyadii taasoo keentay ilaa 17 jirkiisii inuu kaligiis Seexan waayo hal habeen.
Isaga oo la hadlayay jariidada Portuguese-ka ee Tribuna Expresso, waxa uu yiri: “Ilaa aan ka mid noqday Portugal, aniga oo 17 jir ah, waxa aan la Seexan jiray hooyaday, bal qiyaas sida ay ahayd sheekadaas qosolka badaneyd.
Aabbahay ma uusan jeclayn inuu igu arko qolka hooyadey ama anigoo sarsiirteeda jiifa ayuu yiri Pepe “tani waa mid xiiso leh, maalin dhaweyd waxaan la hadlayay hooyaday waxay ii sheegtay wixii hore ee xusuusta lahaa runtii waa qiirooday, waan jeclaa hooyadey kama maarmin la joogeeda ilaa 17 jirkeygii ” ayuu yiri Pepe.
Pepe ayaa u saxiixay kooxda Maritimo yaraantiisii isagoo u saftay 64 kulan ka hor inta uusan ku biirin Porto oo uu kula guuleystay horyaalo xiriir ah.
Waxa ay ahayd Real Madrid meesha sumcadiisa ku kortay oo ay dad badan ku arkeen daafaciisa adag, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo La Liga ah iyo seddex Champions League 334 kulan oo uu u ciyaaray sagaal xilli ciyaareed oo uu kusugnaa.
Ka dib waqti kooban oo uu la qaatay kooxda Besiktas ee dalka Turkiga, daafacaan waxa uu dib ugu laabtay Porto, isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay horyaalka iyo laba koob oo maxali ah 2019/20.
Sida laga soo xigtay Transfer Markt, daafaca dhexe ayaa qaatay 170 kaar oo jaale ah iyo 13 kaar casaan ah koox iyo wadan.