Weeraryahanka Arsenal ee Bukayo Saka ayaa dib loogu celiyay Arsenal isaga oo ka tagay xerada tababarka ee xulka England iyadoo dhaawaciisa ay Arsenal qiimeyn doonto.
Saka ayaa dhaawac uga baxay bilowgii haafkii dambe ee ciyaartii Ingiriisku martigelinayey Greece, dhaawac u eekaa mid muruqa ah, dhaawacan ayaa loo malaynaya inaanu ahayn mid weyn.
Si kasta kulanka xulka England beri la leeyahay Finland ayaa ah mid uusan gebi ahaanba Saka ka qeyb qaadan karin, iyadoo Saka dib loogu celiyay kooxdiisa Arsenal si ay ugu sameeyaan baadhitaano dheeraad ah.
Arsenal ayaa sabtida soo aadan booqan doonta kooxda Bournemouth iyaga oo isku dayi doona iney sii wataan guulaha iyo tartanka ay ugu jiraan hanashada horyaalka.
tababare Arteta ayaa hore dhaawac ugaga maqnaa kabtankiisa Martin Odegaard ayaa haatana ka cabsi qaba inuu dhaawac ku waayo mid ka mid ah weerarkiisa ugu cajiibsan ee uu kooxda ku haysto oo ah Bukayo Saka xili uu muhiim u ahaa Arsenal kulamadii u dambeeyay isaga oo caawiyey 7 goal halka uu dhaliyey 3 goal oo kale.
Si kastaba Arteta iyo Arsenal ayaa sugaya natiijada kasoo baxda scan uu Saka mari doono saacadaha soo socda, iyaga oo rajaynaya in dhaawaca Saka uusan noqonin mid uu garoomada kaga maqnaan karo mudo dheer.