Halyeeyga Newcastle United Alan Shearer ayaa saadaaliyay qaar ka mid ah kulamada xiisaha badan ee Premier League ee la ciyaari doonaan todobaadkan.
Kulanka ugu xiisaha badan isbuucaan ayaa shaki la’aan noqon doona kulanka Manchester City iyo Liverpool, iyadoo kooxda heysata horyaalka ay kujirto lix kulan oo guul la’aan ah.
Liverpool waxa ay sideed dhibcood ku hayaan hogaanka horyaalka Premier League marka ay la ciyaarayaan Man City oo booska labaad kujirta.
Dhanka kale, Arsenal ayaa rajeyneysa inay soo yareyso farqiga dhibcaha ee looga hayo hogaanka, laakiin West Ham, lafteeda oo guul lama filaan aheyd kasoo gaartay Newcastle isniintii, waxay rajeyneysaa inay bandhigooda sii wataan marka ay la ciyaarayaan Gunners.
Shearer ayaa yiri: “West Ham v Arsenal –
Waxaan aragnay natiijadii Arsenal ee Champions League oo hadda aadi doonto West Ham, waxaan qabaa seddexda dhibcood. In ah heli doonto Arsenal.
Chelsea v Aston Villa –
Waxaan qabaa in Chelsea guul ku gaari karto qaab ciyaareedka ay ku jirto, waxaan u maleynayaa inay qaadan doonaan dhibcaha kulankaan” ayuu yiri Alan Shearer.
Man United v Everton –
Amorim waxa uu haystaa dhawr arin oo wanaagsan kadib guushii xalay, waxaan filayaa in Man United ayaa badin karto ciyaarta.
Liverpool v Man City –
Qaabka ay Man City ku jirto, Liverpool inay kula ciyaarto Anfield ma sahlana, saadaasha waa in Liverpool ay ku guuleysan karto kulankaan “ayuu yiri Alan Shearer.