Man City ayaa aad ugu dhawaatay in ay soo afjarto guuldarrooyinkii kasoo gaaray shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan kadib markii ay saddex gool ku hogaamisay Feyenoord bartamihii todobaadkaan.
Balse qaab musiibo ah oo aan caadi aheyn ayaa looga daba keenay seddex gool oo ay hogaanka ku hayeen 15-kii daqiiqo ee ugu dambeysy ciyaarta.
Waxay ahayd markii ugu horeysay muddo ka badan 35 sano oo City ay ku guuldareysato inay badiso kulan ay hogaanka ku qabteen seddex gool.
Marna ma jiro waqti ka wanaagsan oo lagu wajihi karo kooxdan City midka ay hadda kujiraam, Liverpool oo durba sideed dhibcood ka sareysa kooxda heysata horyaalka, ayaa faraha ku heysata kalsoonida ugu badan kulanka ay la ciyaarayaan City.
Waxay noqon doontaa nacasnimo in la dhayalsado City, xitaa haddii aysan badin lix kulan, qofna kuma qiimeyn karo muddo hal bil ah oo aysan guuleysan “ayuu yiri Arne Slot tabbaraha Liverpool.
Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu saadaalin karo kulanka axada, kaasoo noqon doonta kulankii ugu horreeya ee Slot uu la ciyaaro Guardiola.
Halkan, waxaan ku eegeynaa shan arrimood oo muhiim ah oo go’aamin kara natiijada ciyaarta weyn ee isbuucaan Premier League.
1. Khadka dhaxe Liverpool iyo City
Rodri la’aantiis dhaxda City aad ayay u fududahay in la maamulo.
Maqnaanshaha xiddiga ku guulaysta Ballon d’Or 2024, waxay qayb weyn ka qaadatay dhibaatada kooxda.
2. Garabka difaaca Bidix ee Liverpool
Liverpool hadda kama muuqato daciifnimo aad u badan difaac ahaan, waxaana kaliya laga dhaliyay sideed gool 12 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.
Waxaa laga badiyay hal mar kaliya xilli ciyaareedka oo dhan, waana 15 kulan ka hor.
Reds ayaa badisay 17 ka mid ah 19kii kulan ee uu hogaamiyay tababare Arne Slot.
Laakiin daafaca bidix ee Andy Robertson oo sameeyay laba qalad oo rigoore loo dhigay kooxdiisa xili ciyaareedkaan waa mesha kaliya ee Reds looga faa,iideysan karo kulanka Man City.
3. Dhibaatada difaaca Man City
City aad ayay uga liidataa sida caadiga ah dhanka daafaca xilli ciyaareedkan, mana ahan oo kaliya tirada goolasha laga dhaliyay
Tusaale ahaan, kaliya Ipswich Town (49), Southampton (44), Leicester City (44) iyo Crystal Palace (38) ayaa ka badan Premier League xilli ciyaareedkan marka loo eego City oo 37 fursad lagu abuuray.
4. Ciyaartoyda Muhiimka ah ee maqan
Markii ugu dambeysay ee Rúben Dias uu u ciyaaro Man City horyaalka waxay aheyd markii ugu dambeysay oo ay badiyaan.
Guardiola ayaa rajeynaya haddii daafaca dhexe ee Portugal uu taam u yahay inuu garoonka Anfield la imaan doono, laakiin uma badna inuu kusoo bilaaban karo.
5. Faa’iidada Guriga
Liverpool vs Man City waa kulan u janjeera markasta dhanka kooxda martida loo yahay in ay badiso.
Kooxda martida ah ayaa badisay kaliya lix ka mid ah 54 kulan oo kooxahaan kulmeen.
Taas waa meel kale oo ay faa,iido weyn ku heli karto kooxda martida loo yahay ee Liverpool.