Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa todobaadkan sheegay inaysan dooneynin inay ciyaartooy iibiyaan. Wuxuu xusay inay ku faraxsan yihiin ciyaartoyda ay heystaan islamarkaana kuwa haatan kooxda jooga inay sii joogi doonaan xilli ciyaareedka danbe.
Waxa uu xaqiijiyay inay diideen dalab 200 milyan euro oo laga soo gudbiyay Lamine Yamal. Inkastoo uusan magacaabin kooxda dalabkaas soo gudbisay hadana Marca ay sheegtay inay aheyd PSG.
Labada arimood ayaa sabab u ah in Barcelona ay diido inay iibiso ciyaartoydeeda. Mida hore waa arimo la xiriira isboortiga. Ma doonayaan inay waayaan ciyaartooy mustaqbal leh sida Lamine Yamal, waxaa iyana la mid ah Pedri, Gavi, Balde, Cubarsí iyo Araujo.
“Aas-aaska kooxda ee xilli ciyaareedka danbe wuxuu la mid noqon doonaa midka hadda. Haddii aan gaarno hamigeena uma baahnin inaan sameyno wax iska iibin ilaa iyo inay ciyaartoyda iyaga doortaan inay baxaan” ayuu Laporta u sheegay Mundo Deportivo.
Tan labaad waa mid la xiriirta sharciga dhaqaale wanaaga, inay ciyaartooy waa weyn iska iibiyaan kama xalineyso xaalada dhaqaale ee ay ku jiraan. Sababtoo ah La Liga uma ogolaaneyso inay soo iibsadaan bedelka ciyaartoyda ay iska iibiyaan. Sidaasi darteed Barca waxay dani ugu jirtaa inay ceshato xiddigaheeda ilaa iyo intii ay awoodo.