Khabiirka BBC Sport Chris Sutton ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 33aad ee horyaalka Premier League ee la ciyaarayo Sabtida, Axada iyo Isniinta.
Tartanka horyaalka Premier League ayaa xiiso weyn yeeshay iyadoo todoba kulan ay ka harsan tahay, Arsenal ayaa farqiga goolasha ku heysa hogaanka iyagoo ku dhibco ah kooxda kaalinta labaad ee Liverpool halka City oo ku jirta kaalinta 3aad ay hal dhibic ka danbeyso labada kooxood.
Man City ayaa fursad u heli doonta inay hogaanka la wareegto Sabtida marka ay martigeliyaan Luton iyadoo Chris Sutton uu saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay ku badin doonaan 3-0.
Arsenal iyo Liverpool waxay ciyaarayaan Axada, Liverpool waxay Anfield ku soo dhaweyn doontaa Crystal Palace iyadoo Sutton uu saadaaliyay in Reds ay wadada guusha ku soo laaban doonto oo ay 3-0 ku badin doonto.
Arsenal waxay Axada martigelineysaa Aston Villa markaasoo ay fursad u heli doonto inay hogaanka ku soo noqoto, iyadoo Sutton uu saadaaliyay in Gunners ay 3-1 ku badin doonto.
Maalinta Sabtida waxaa sidoo kale ciyaareysa Man United oo u safreysa Bournemouth, iyadoo khabiirka BBC uu saadaaliyay in United ay gabi ahaanba ka quusan doonto booska Champions League isagoo u saadaaliyay inay guuldarro 2-1 kala kulmi doonaan Bournemouth.
Habeenka Isniinta Chelsea ayaa Stamford Bridge ku martigelin doonta Everton, wuxuuna Chris Sutton saadaaliyay in labada kooxood ay barbaro 1-1 ah ku kala bixi doonaan.
SAADAASHA CHRIS SUTTON EE PREMIER LEAGUE:
SABTI, 13 APRIL | |||
Newcastle v Tottenham | 2-3 | ||
Brentford v Sheff Utd | 2-0 | ||
Burnley v Brighton | 1-1 | ||
Man City v Luton | 3-0 | ||
Nott’m Forest v Wolves | 1-1 | ||
Bournemouth v Man Utd | 2-1 | ||
AXAD, 14 APRIL | |||
Liverpool v Crystal Palace | 3-0 | ||
West Ham v Fulham | 2-2 | ||
Arsenal v Aston Villa | 3-1 | ||
ISNIIN, 15 APRIL | |||
Chelsea v Everton | 1-1 |