Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa kulamadiisa 21aad loo kala jajabiyey laba usbuuc oo isku xiga iyadoo toddobaadkan ay dhici doonaan toban kooxood halka usbuuca xigana tobanka kale la ciyaari doono.
Kooxda horyaalka hoggaanka u haysa ee Liverpool ayaa toddobaadkan aan ciyaari doonin, waxaana dhici karta in hoggaanka lagala sii wareego inta ay ku maqan tahay fasaxa ee kasoo horreysa kulankeeda oo ah January 21 oo ay waajahayaan Bournemouth.
Shanta ciyaarood ee toddobaadkan dhacaya, waxa fursad fiican oo ay hoggaanka hal dhibic ku qabato haysata Aston Villa oo kaalinta labaad ku jirta, waase haddii ay ka adkaato kooxda ay isku magaalada yihiin Liveprool ee Everton.
Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Chris Sutton oo saadaaliyey kulamadan ayaa yidhi: “Villa waxay leedahay awood, waxay sgaraaci karaan koox kasta oo ka hor timaadda maanta. Waxa ay samayn karaan sidii ay Toffees ku sameeyeen bishii August.”
Chelsea oo xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku dhibaatoonaysa garoomada ayaa waxa ay Sabtida waajihi doontaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Fulham, halka Newcastle United iyo Manchester City ay iyaguna is-haleeli doonaan.
Chris Sutton waxa uu saadaaliyey in Chelsea iyo Manchester City ay guuleysan doonaan kulamadooda toddobaadkan, laakiin ciyaarta ugu adag ee indhaha lagu hayo toddobaadkan waa Manchester United iyo Tottenham oo garoonka Old Trafford ku kala calaf-qaadi doona.
Halkan kaga bogo saadaasha Chris Sutton ee kulamada 21aad ee qaybta usbuucan
Jimce
Burnley 1-1 Luton
Sabti
Chelsea 2-1 Fulham
Newcastle 1-3 Manchester City
Axadda
Everton 1-1 Aston Villa
Manchester United 1-3 Tottenham.