Ruben Amorim ayaa qirtay guuldaradii 2-0 ee Manchester United ka soo gaartay Crystal Palace inay tahay natiijo xun oo ay la kulanta kooxdiisa.
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guuldarro 2-0 ah kaga soo gaartay Palace markii todobaad 13 kulan oo ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan.
Jean-Philippe Mateta ayaa labada gool u dhaliyay kooxda martida aheyd yaasoo keentay inuu cadaadiska kusii kordho Amorim.
United ayaa raadineysay guusheedii 4-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan, laakiin tani waxa ay dib u dhac ku noqotay hamigii weynaa ee kooxda.
Waa markii ugu horeysay muddo 130 sano ah United laga badiyo todobo ka mid ah 13-ka kulan ee furitaanka ee ay ku ciyaartay garoonkeeda xilli ciyaareed horyaalka ah.
Natiijadan ayaa Red Devils dhigeysa kaalinta 13-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.
“Natiijadu runtii aad ayay u xun tahay. Waxqabadkeena ayay dib u dhigtay”Amorim ayaa u sheegay Sky Sports.