Weeraryahanka Bayern Munich Mathys Tel ayaa ogolaaday inuu amaah ugu biiro Manchester United, sida laga soo xigtay Sky Germany.
Red Devils ayaa faa’iido badan ka sameysay wadahadalo dhacay horaantii todobaadkan.
Tel ayaa u sheegay Tottenham Hotspur inuu doonayo inuu baaqi ku sii ahaado Bayern inkastoo ay labada kooxood ku heshiiyeen adduun dhan 60 milyan oo euro.
Weeraryahanka reer France ayaa mustaqbalkiisa lahadalhayay daaqada oo dhan, isagoo markii hore doonayay inuu sii joogo kooxda, laakiin hadda wuxuu ogolaaday inuu u dhaqaaqo Man United.
Sida laga soo xigtay Sky Germany, Tel ayaa haatan ogolaaday inuu ku biiro Man Utd, waxaana socda wadahadalo la taaban karo oo u dhexeeya Red Devils iyo Bayern.
Si kastaba ha ahaatee, majaladda ayaa sidoo kale ku warameysa in wadahadalada ilaa hadda ay yihiin kuwo ka cakiran dhanka labada kooxood.
Man Utd ayaa u soo bandhigtay weeraryahan heshiis amaah ah, laakiin Bayern ayaa rabta in ay toos u iibiso.