Rodri ayaa ka caawiyay Manchester City inay guul muhiim ah ka gaarto kooxda ay xafiiltamaan ee Man United, waxaana uu jabiyay rikoodh Premier League ah oo yaalay muddo 16 sannadood ah.
Xiddiga khadka dhexe ayaa ciyaaray 90kii daqiiqo ee kulankii Etihad Stadium iyadoo Phil Foden uu labo gool dhaliyay halka Erling Haaland uu gool seddexaad ku soo xiray.
Rodri wali lagama badin kulan uu u saftay Manchester City tan iyo guuldaradii City ee 1-0 ka soo gaartay Tottenham bishii Febraayo 2023.
Tan iyo markaas, wuxuu u saftay City 58 jeer iyadoo aan la garaacin.
Ka dib markii ciyaaryahanka reer Spain casaan uu qaatay kulankii Nottingham Forest bishii Sebtembar, City ayaa laga badiyay dhammaan seddexdii kulan ee uu seegay.
Laakiin marka uu garoonka ku jiro, waa sheeko kale.
Kulankii ay City 1-0 kaga badisay Bournemouth isbuucii hore, Rodri wuxuu barbareeyay rikoodhka daaficii hore ee Chelsea Ricardo Carvalho oo 58 kulan oo isku xigta aan laga badinin.
Daafacii hore ee Portugal ayaa dhigay rikoorkaas intii u dhaxeysay November 2006 iyo Febraayo 2008, in ka badan 16 sannadood ka hor.
Laakiin hadda waxaa rikoodhkaas jabiyay Rodri, kaasoo sii dheereeyay rikoorkiisa guuldarro la’aanta isagoo ka dhigay 59 kulan kaddib guushii Manchester derby ee shalay.
Rodri waa ciyaaryahanka kaliya ee taariikhda Premier League ee aan laga badininb 59 kulan oo isku xigta oo uu u saftay kooxdiisa.