Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa ugu dambayn heli doona abaal-marinta Ballon d’Or ee laga duudsiyey sannadkii 2020 iyadoo adduunyada oo dhan ay isku raacsan tahay inuu isagu ahaa ciyaartoyga xaqa u leh.
Ballon d’Or ayaa si lama filaan ah loo kansalay sannadkii 2020, iyadoo wargeyska France Football uu ku andacooday inuu u joojiyey xanuunkii adduunyada saameeyey waqtigaas ee COVID.
Sannadkii xigay ee 2021 ayaa uu u tartamay oo uu kaalinta labaad galay iyadoo uu Lionel Messi ku guuleystay, balse waxa hadda baadhitaanno lagu samaynayaa sidii uu sannadkaas ku helay abaal-marinta xiddiga reer Argentina oo la tuhunsan yahay inuu ku jiray musuqmaasuq.
Kooxda kubadda cagta PSG ayaa lagu eedeeyey in ay cadaadis ku saartay wargeyska France Football inuu u xagliyo dhinaca Lionel Messi oo uu abaal-marinta siiyo, halka Robert Lewandowski uu u dhacay kaalinta labaad.
Wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in wararkan soo baxaya ay saamayn ku yeelanayaan sumcadda wargeyska France Football iyo abaal-marinta Ballon d’Or intaba, laakiin uu wargeyska Faransiisku hadda ka fiirsanayo in uu Robert Lewandowski guddoonsiiyo abaal-marintii uu xaqa u lahaa ee la baajiyey sannadkii 2020.
France Football ayaa go’aankan u qaadanaya in uu dambabaso oo uu meesha ka saaro tuhunka ah inay sannadkii 2021 u eexdeen Lionel Messi.