Rio Ferdinand ayaa la yimid aragti ku saabsan sababta uu Thierry Henry u neceb yahay Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa yimid Manchester United xilli ciyaareedkii ka dib markii Ferdinand uu United kaga soo biiray Leeds xagaagii 2002dii.
Waxa ay ku wada riyaaqeen lix xilli ciyaareed Old Trafford, iyagoo ku guuleystay seddex horyaal oo Premier League ah iyo hal Champions League mudadii ay kooxda wada joogeen.
Henry ayaana ka horyimid Ronaldo afar xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa England ka hor inta uusan ka tagin Arsenal kuna biirin Barcelona.
Waxa ay iska horyimaadeen kulamo adag – gaar ahaan ciyaartii horyaalka ee xamaasada badneyd ee bishii February 2005tii.
Red Devils ayaa 4-2 ku badisay garoonka Highbury, iyadoo xiddiga reer Portugal uu labo gool dhaliyay.
Ferdinand waxa uu tilmaamay dhacdo dhacday ciyaartaas oo sababtay xurgufta labada nin.
Waxa uu yiri: “Sida aan u arko Thierry ma aflagaadeeyo Cristiano wax xuna kama sheego laakiin wuxuu inta badan isku dayaa inuu liido Cristiano.
“Waxaa jiray arin ka dhacay Highbury markii Henry uu madaxa ka dharbaaxay Cristiano islamarkaana Cristiano uu kala tuuray Henry.
“Cristiano ayaa markaas ka dib dhaliyay goolkii guusha, Henry ayaana baas bilowga u sameeyay Arsenal iyadoo Ronaldo uu dabaaldegayo.
“Henry waxaa weli maskaxdiisa ku jirta dhacdooyinka noocaas ah.”
Thierry Henry ayaa lagu yaqaanaa inuusan inta badan amaanin Cristiano Ronaldo, wuxuuna amaanaa xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi oo ay ku wada ciyaareen Barcelona.