Rio Ferdinand Oo Pochettino Farta Ugu Fiiqay Xiddiga Keliya Ee U Qalma Shaxda Koowaad Ee Man United Kadib Guuldarradii Brentford

Halyeeygii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa kula taliyay tababare Mauricio Pochettino inuu shaxda koowaad ku soo bilaabo Shea Lacey, ka dib markii kooxdu ay Sabtidii guuldarro 4-0 ah garoonkeeda Old Trafford kala kulantay Brentford.

Kulankii ugu horreeyay ee Pochettino uu United ku hoggaamiyo garoonkeeda, kooxdu waxay la kulantay guuldarradii labaad oo xiriir ah oo 4-0 ah horyaalka Premier League, taas oo gaarsiisay 10 kulan oo xiriir ah oo aysan wax guul ah gaarin.

Inkastoo Man United ay si fiican ku bilaabatay ciyaarta, Callum Wilson ayaa laba gool dhaliyay qaybtii hore isagoo Brentford u dhiibay hoggaan 2-0 ah. Kristoffer Ajer iyo Kevin Schade ayaa iyaguna shabaqa soo taabtay qaybtii labaad si ay martida ugu xaqiijiyaan saddexda dhibcood.

Ferdinand oo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube ayaa yiri: “Waxaan u malaynayaa in Xiddigaha United uu midkood na kulankan kala bixin wax wanaagsan, marka laga reebo Shea Lacey. Waa inuu Pochettino hadda shaxda koowaad ku soo bilaabaa Shea Lacey. Isaga ayaa ah qofka keliya ee aan weli niyad-jabin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular