Steven Gerrard Oo Shaaciyay Waxa Keliya Ee Ka Dhiman Xiddiga Liverpool Ee Bradley Barcola

Halyeeygii hore ee Liverpool, Steven Gerrard, ayaa qirtay inuu taageero weyn u yahay Bradley Barcola, inkastoo xiddigan reer France uusan weli si joogto ah u soo bandhigin qaab-ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Gerrard wuxuu sheegay in waxa keliya ee ka dhiman Barcola uu yahay go’aan-qaadasho adag oo dhanka gool-dhalinta ah. Wuxuu aaminsan yahay inuu taas u baahan yahay si uu u gaaro heerka ugu sarreeya.

Isagoo la hadlayay BBC Radio 5 Live, Gerrard wuxuu xusay in Barcola uu seegay kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga sababo la xiriira heshiiskiisii u wareegista, taas oo dib u dhigtay la qabsigiisa.

“Waa ciyaaryahan aad u halis ah oo xawaare cajiib ah ku soo kordhiyay weerarka Liverpool,” ayuu yiri Gerrard. “Haddii ay jirto hal dhaleecayn oo yar oo aan u hayo, waa inuusan kubbadda si degdeg ah u laagin.”

Gerrard wuxuu ku daray in Barcola uu mararka qaar isku dayo inuu dhaliyo goolka ugu quruxda badan, isagoo taabasho dheeraad ah sameeya halkii uu si degdeg ah shabaqa u toogan lahaa.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in haddii Barcola uu dib u helo gooldhalintii uu ku lahaa PSG, uu Liverpool ka caawin karo inay u tartanto horyaalka Premier League iyo Champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular