Kooxda Liverpool ayaa ku guuldarraysatay inay sii wadato guulaheedii xiriirka ahaa, ka dib markii kulankii 249-aad ee Merseyside derby ee ay la ciyaartay Everton uu ku dhammaaday barbarro 1-1 ah.
Liverpool ayaa si degdeg ah ku bilaabatay ciyaarta, iyadoo Dominik Szoboszlai uu daqiiqaddii shanaad dhaliyay gool cajiib ah oo uu ku laagay bannaanka cagtiisa.
Liverpool waxay heshay fursado ay hoggaanka ku dheeraysan kartay, balse Everton ayaa muujisay iska caabbin xooggan, mana ahayn mid daciif ah sidii Man United oo kale toddobaadkii hore.
Dadaalkii Everton ayaa mira dhalay daqiiqaddii 25-aad, markii daafaca Liverpool ee Jeremie Frimpong uu si qalad ah shabaqiisa ugu leexiyay karoos uu soo dhigay Kiernan Dewsbury-Hall.
Intaas ka dib, ciyaartu waxay noqotay mid aad isugu dheellitiran. Labada kooxoodba waxay abuureen fursado fiican, balse midkoodna kuma guulaysan inuu gool kale dhaliyo.
Liverpool ayaa haatan sugi doonta natiijooyinka kulamada kale ee Axadda si ay u ogaato halka ay ka galayso kala sarreynta Premier League ka dib markii ay lumisay laba dhibcood. Everton ayaa iyaduna hadda ka sarreysa Chelsea, inkastoo ay dhici karto in kooxo kale ay dhaafaan.