Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa dib usoo nooleeyey dooddii ka taagnayd midka wanaagsan xiddigihii khadka dhexe ee Ingiriiska ee Steven Gerrard, Frank Lampard iyo Paul Scholes, kuwaas oo khubaro badan ay ku kala qaybsameen xulashada midka ay u dooranayaan kaalinta koowaad.
Rio Ferdinand ayaa kasoo garab ciyaaray saddexdoodaba iyaga oo u wada dheelay xulka qaranka England, laakiin Paul Scholes ayaa uga duwanaa oo ay isaga muddo dheer kusoo wada qaateen Old Trafford oo ay Manchester United u wada ciyaari jireen.
Sannadihii u dambeeyey, waxa la isbarbar-dhigayay saddexda khadka dhexe ee Gerrard, Scholes iyo Lampard, kuwaas oo boosaskoodu kala duwanaayeen laakiin shaqooyin heer sare ahaa usoo qabtay kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Manchester United oo ay u kala dheeli jireen.
Ferdinand oo ay da’diisu tahay 45 jir, ayaa waraysi uu siiyey The Obi One Podcast oo uu leeyahay xiddigii reer Nigeria ee John Obi Mikel, waxa lagu weydiiyey inuu doorto midka fiicnaa Scholes, Gerrard iyo Lampard, waxaanu ku jawaabay: “Way adag tahay, laakiin anigu waxa aan inta badan ku raaxaysan jiray in aan ka garab ciyaaro Scholesy. Waxa aan kubadda siinayay Scholesy, magaciisana waan ku dhawaaqi jiray, isaga oo aan kusoo eegin oo aan ku arkaynin ayuu garanayey halka aad joogto.
“Waxa uu qaban jiray shaqooyin waalli ahaa, xataa ciyaartoyda kasoo horjeedda ayaa igu odhan jiray, ‘ma sidan ayuu maalin walba sameeyaa?’.”
Ferdinand iyo Scholes waxa ay ku wada guuleysteen muddadii ay joogeen Manchester United lix horyaal oo Premier League ah iyo Champions League, waxaana u raacayey koobab badan oo kale.