Rio Ferdinand ayaa sheegay in tababaraha Arsenal Mikel Arteta inuu si degdeg ah uga tagi lahaa Arsenal haddii fursad loo siiyo inuu tababare ka noqdo Manchester United.
Kooxda Arteta ayaa ku jirta qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo dhaliyay 25 gool lix kulan oo xiriir ah oo ay badiyeen, waxayna ka danbeeyaan Liverpool iyo Manchester City.
Tababaraha reer Spain ayaa hogaanka u hayay Gunners tan iyo bishii December 2019kii, waxaana uu rajeynayaa inuu Gunners ku hogaamiyo horyaalkoodii ugu horeeyay tan iyo 2004tii.
Inkastoo uu Arteta baadigoob ugu jirin shaqo cusub waqti xaadirkaan, hadana Ferdinand ayaa aaminsan in Arteta uu ka carari lahaa shaqada Arsenal haddii fursad loo siiyo inuu bedelo Erik ten Hag inkastoo Man United ay ku jirto xaalad xun.
Sida ay Daily Mirror qortay, Ferdinand ayaa yiri: “Arteta wuu ka tagi lahaa Arsenal si uu u qabto Man United, boqolkiiba 100 shaki iigama jirto. Cidna ma oroneyso waa wax dhacaya laakiin haddii Man United ay macsalaameyso Erik ten Hag ama Ten Hag uu u wareego Bayern Munich, islamarkaana Man United ay la xiriirto Mikel Arteta, waan hubaa inuu Arteta ku oran lahaa Arsenal ‘ i dhageysta, waqti xiiso leh ayaan isla soo qaadanaya laakiin waa inaan baxo”
Arteta ayaa horay u sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda Waqooyiga London ka dhisan. Mana uusan ku faraxsaneyn wararkii sheegayay inuu u wareegayo Barcelona marka Xavi uu baxo.