Jamie Redknapp ayaa ku amaanay Kevin de Bruyne inuu yahay xiddiga khadka dhexe ee abid ugu fiican Premier League ka dib goolkii cajiibka ahee uu u dhaliyay Man City kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Brighton.
Xiddiga reer Belgium ayaa isagoo duulaya gool madax ku dhaliyay daqiiqadii 17aad isagoo hogaanka u dhiibay kooxda Pep Guardiola.
Redknapp ayaa kubadaas madaxa aheyd la barbardhigay goolkii caanka ahaa ee Robin van Persie uu ka dhaliyay Spain finalkii Koobka Adduunka ee 2010.
Khabiirka Sky Sports ayaa sheegay in Kevin de Bruyne uu leeyahay tayo aad uga sareysa xiddigihii kale ee waa weyn ee soo maray Premier League.
“Waxaan soo aragnay xiddigo waa weyn sida Steven Gerrard, Frank Lampard, David Silva, Yaya Toure, waxay ahaayeen kubad sameeyayaal aan la aamini karin, Kevin de Bruyne ayaase ka wada sareeya.” ayuu yiri Redknapp.
“Wuxuu sameeyaa waxyaabo dunidaan ka baxsan. Baasaskii uu dhigay waayihiisa ciyaareed, tan iyo markii uu yimid PL, ma jiraan ciyaartooy badan oo sidaas sameyn karta.
“Waxa uu dhalin karaa gool walba oo nooc walba leh, kama fileynin inuu dhalinayo kubad madax ah isagoo duulaya. Mar walba oo aan arko wuu iga yaabiyaa.”
Redknapp ayaa sheegay in 32 jirkaan uu tusaalaha ugu fiican u noqon karo xiddiga Ingariiska Phil Foden.
van piiris 2014 ayuu dhaliyey final maaheyn cayaartu