Daafaca bidix ee Scotland Robertson ayaa qayb ka ahaa laba jeer kooxdii Liverpool ee guuldarrooyinka kala kulmay kooxda reer Spain ee Real Madrid Finalkii Champions League ee 2018 iyo 2022.
Robertson ayaa sidoo kale laga reebay tartanka isagoo wajahay kooxda Real Madrid 2021-kii markaas oo Liverpool iyo Los Blancos ku kulmeen wareega quarter-final-ka.
Ka hor booqashada Real Madrid caawa garoonka Anfield, Robertson ayaa u sheegay warbaahinta, “Runtii kama eegeyno waxa ay dadku leeyihiin kulankaan, waxaa rabnaa anaga ahaan aargoosi inaan sameyno marka aan la ciyaareyno Real Madrid.
Waxaan filayaa in 2018 uusan qofna runtii ileyn inaan gaari karnay finalka Champions League, balse sanadkii 2022 aad baan u xooganeyn, laakiin nasiib darro waan guuldarreysanay.
Afar ciyartooy oo ka mid ah xiddigaha guuldarrada kala kulmay Real Madrid kulankii ka dhacay Paris laba sano ka hor ayaa shaxda caawa Liverpool kujira.
Robertson ayaana sharaxay in ujeedkoodu uu yahay inay guuleystaan marka hore islamarkaana ay ka aargutaan Real Madrid guuldarrooyinkii xiriirka ahaa ee kasoo gaaray.
Liverpool oo qaab ciyaareed wanaagsan kujirta islamarkaana badisay 15 kamid ah 17 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan waxay caawa marti galin doontaa Real Madrid oo ah kooxda ugu guulaha badan tartankaan.