Kooxda Real Madrid ayaa shaacisay liiska gawaarida ay xiddigaheedu doorteen xilli-ciyaareedkan, taas oo qeyb ka ah iskaashiga ay la leedahay shirkadda BMW. Qiimaha gawaaridan raaxada ah ayaa u dhexeeya ku dhowaad €59,000 ilaa €197,000.
- BMW XM Label (€197,228): Waa gaariga ugu qaalisan uguna shacbiyadda badan kooxda, waxaana doortay Jude Bellingham, Rodrygo, Brahim Díaz, Arda Güler, Thibaut Courtois, Aurélien Tchouaméni, Antonio Rüdiger, Trent Alexander-Arnold, Denzel Dumfries, Raúl Asencio, Álvaro Carreras, Bernardo Silva, Dean Huijsen, Ibrahima Konaté, iyo Ferland Mendy.
- BMW M5 Sedan (€169,300): Éder Militão iyo Andriy Lunin.
- BMW X7 M60i xDrive (€158,550): Marc Cucurella.
- BMW i7 60 xDrive (€141,750): Vinicius Junior, Carlos Espí, iyo Endrick.
- BMW iX xDrive60 (€107,900): José Mourinho iyo Eduardo Camavinga.
- BMW iX3 50 xDrive (€73,150): Kylian Mbappé, Thiago Pietar, iyo Yan Diomande.
- BMW iX2 xDrive30 (€59,750): Federico Valverde.
Sida liiska ka muuqata, Federico Valverde ayaa doortay gaariga ugu jaban, halka nooca XM Label uu noqday kan ugu badan ee ay xiddigaha Real Madrid qaateen sababo la xiriira raaxadiisa iyo qaab-dhismeedkiisa gaarka ah.