Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain, Luis Enrique, ayaa qiray inuusan doonayn inuu mar kale la ciyaaro AS Roma ilaa laga gaaro finalka Champions League.
Enrique oo hadlayay habeenkii Arbacada ka dib barbarrihii 2-2 ahayd ee ay la galeen kooxda reer Talyaani, wuxuu Roma ku tilmaamay kooxdii ugu adkayd ee ay ilaa haatan ku wajaheen tartankan.
“Roma waxay ahayd ciyaartii ugu adkayd ee aan ilaa hadda ciyaarno. Ma rabo inaan mar kale la ciyaaro, malaha finalka oo keliya,” ayuu yiri Enrique. “Waxay u qalmeen inay ka badiyaan Real Madrid, Man United, malaha annagana way naga badin kareen.”
Barbarrahan ayaa sababay in PSG ay u degto kaalinta labaad iyadoo ka dambaysa Real Madrid, halka Roma ay ku jirto kaalinta 25-aad.