Kabtanka kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo Chelsea suuqa xagaaga ee soo socda, maadaama heshiiskiisa Liverpool uu dhacayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan.
Falanqeeyaha Sky Sports, Jamie Redknapp, ayaa sheegay in Chelsea ay tahay inay u dhaqaaqdo saxiixa daafacan reer Holland. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Van Dijk uu weli awoodo inuu laba sano oo kale ka ciyaaro heerka ugu sarreeya, isla markaana uu kooxda ku soo kordhin karo wax weyn.
Dhankiisa, Van Dijk wuxuu xaqiijiyay inuusan weli ogeyn waxa mustaqbalkiisa ku dhici doona, balse uu diyaar u yahay inuu baxo haddii aan heshiiska loo kordhin. “Haddii heshiiskayga la kordhiyo waan arki doonaa waxa dhaca, haddii kalena xagaaga ayaan qof walba macasalaamayn doonaa,” ayuu yiri.
Dhanka kale, TEAMtalk ayaa werisay in Liverpool ay doonayso inay sii haysato kabtankeeda, iyadoo aan meesha laga saarin heshiis cusub. Labada dhinac kuma degdegayaan wada-hadallada looga arrinsanayo muddada heshiiska iyo shuruudaha dhaqaale.
Suxufiga Fabrizio Romano ayaa isna xaqiijiyay in Van Dijk uu diyaar u yahay inuu sii joogo Liverpool si uu uga sii ciyaaro heerka ugu sarreeya, iyadoo mustaqbalkiisu uu u dhexeeyo inuu saxiixo heshiis cusub ama uu baxo dhammaadka xilli-ciyaareedka.