Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maxkamadda garsoorka ciyaaraha ee CAS u gudbisay kiiska ganaaxii lagu riday xiddigeeda khadka dhexe ee Jude Bellingham, kaddib markii uu xidhiidhka kubadda cagta Spain diiday inuu laalo ganaax laba ciyaarood ah oo laacibkan ay kusoo rogeen guddida anshaxa e Spain.
Jude Bellingham oo casaan toos ah qaatay ciyaartii Valencia kaddib markii uu ka gadooday gool uu dhamaadkii dhaliyey oo iyadoo kubaddu goolka kusii socota uu garsooruhu dhameeyey ciyaarta, ayaa waxa maanta uu xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF uu diiday rafcaan ay Los Blancos ka qaadatay ganaax laba ciyaarood oo horyaalka ah.
Madrid ayaa ku doodaysa in aanu laacibkani wax aflagaaddo ah u geysanin garsooraha oo kaliya uu ku doodayey in goolku uu sharci ahaa, sidaas daraadeedna aanay caddaalad ahayn in iyadoo gool si sharci-darro ah looga diiday, in haddana ganaax aan sharci ahayn la saaro xiddigooda ugu fiican xilli-ciyaareedkan.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Madrid waxa ay ku qanci weyday jawaabtii ay ka heshay xidhiidhka kubadda cagta Spain, waxaanay hadda rafcaan uq aadatay maxkamadda CAS ee garsoorka ciyaaraha.
CAS ayaa waxa ay ka garnaqdaa dacwadaha waaweyn ee ciyaaraha, balse waxa hore usoo maray kiisas noocan oo kale ah oo ganaaxyo ahaa.
Real Madrid ayaa ogsoon in aanay maxkamaddu ka fadhiisan doonin kiiska Jude Bellingham ka hor Axadda, taas oo ka dhigan in laacibka reer England uu ka maqnaan doono kulanka Celta Vigo, laakiin waxay doonayaan in ay dib u helaan ciyaarta Osasuna.