Waxa lagu tilmaamay ciyaartii ugu weynayd horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, iyo middii go’aamin lahayd kooxda ku guuleysanaysa xilli-ciyaareedkan. Waa Liverpool oo garoonkeeda Anfield kusoo dhoweynaysa Manchester City iyadoo 11 ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Ciyaarta Liverpool iyo Manchester City ayaa waxa kooxda guuleysata ay ku fadhiisin doontaa figta sare ee horyaalka Premier League, haddii ay isla kufaanna waxa ay faa’iido u noqon doontaa Arsenal oo labadoodaba dhaafi doonta.
Liverpool waxa ay dib u heshay Mohamed Salah oo taam u noqday ciyaartan, horena waxa ugu soo laabtay Darwin Nunez iyo Dominik Szoboszlai, inkasta oo ay wali dersin ciyaartooyo ah jiifaan oo aanay awoodi doonin inay dheelaan kulankan.
Manchester City waxa dhinaceeda taam u ah oo waliba ciyaartii Champions League ee FC Copenhagen la nasiyey Kevin de Bruyne, Phil Foden, Rodri iyo kuwo kale, halka Erling Haaland uu badhig cajiib ahaa iyo hal gool is-raacdsaday Arbacadii.
Afar meelood ayaa laga go’aamin doonaa ciyaartan, sida ay khubarada ciyaaruhu sharraxeen, waxaana guusha ciyaartan qaadan doonta kooxda ku sarraysa dagaalka afarta goobood oo iska hor keenaya siddeed ciyaartoy, waana kuwan
1. Virgil van Dijk vs Erling Haaland
Van Dijk halis badan ayuu ku ahaa kooxaha kale marka uu galo xeradooda ganaaxa usbuucyadii u dambeeyey, isaga oo dhaliyey goolkii guusha ee finalkii Carabao Cup, balse Axadda waxa u taalla shaqo adag oo ah inuu joojiyo Haaland oo uu inta badan ku foognaado difaaca.
Waxa kale oo Van Dijk laga doonayaa inuu ka baaqsado qaladaadkii uu sameeyey ciyaartii Arsenal ee guul-darrada xun ay kooxdiisa soo gaadhay.
Haaland oo kasoo doogay dhaawacyo uu dhawr usbuuc u jiifay, ayaa isaguna u dagaallami doona inuu isaguna guul ku hoggaamiyo kooxdiisa, isla markaana aanu fursadaha uu helo u khasaarinin sidii ciyaartii Manchester United oo kubbad goolka loo hordhigay uu khasaariyey.
Dagaalka labadan ciyaartoy waxa uu saamayn weyn ku yeelan doonaa ciyaarta, waxaana midkooda la muquuniyo ay keeni doontaa in ay wiiqanto kooxdiisu.
2. Darwin Nunez vs Ruben Dias
Darwin Nunez ayaa hoggaamin doona weerarka dhexe ee Liverpool, iyadoo ay dhinacyada ka xigi doonaan Mohamed Salah iyo Luis Diaz. Weeraryahanka reer Uruguay ayaa toos u waajihi doona difaaca reer Portugal ee Ruben Dias.
Nunez oo laba gool dhaliyey ciyaartii Europa League ee Khamiistii ayaa u muuqanaya inuu dib u helay qaab-ciyaareedkiisii fiicnaa, waxaana uu kalsooni kala hor tegi doonaa City, laakiin Ruben Dias oo isaguna ka mid ah difaacyahannada ay adag tahay in sida fudud lagu dhaafo ayaa ka horreeya.
Isku-dhacoodu waxa uu saamayn ku yeelan doonaa ciyaarta, waxaana midka laga itaal-roonaado wiiqmi doonta kooxdiisa.
3. Andy Robertson vs Phil Foden
Lama hubo in Foden uu kusoo bilaaban doono garabka midig ee weerarka City iyo in khadka dhexe ama garabka bidix laga ciyaarsiin doono, laakiin laacibka reer England ayaa ahaa ciyaartoygii kalidii ku filnaaday ee burburiyey Man United ee labada gool ka dhaliyey, isaga oo xilli-ciyaareedkan saxeexay 18 gool oo dhamaan tartamada ah.
Andy Robertson ayaa isaguna u baahan inuu is-muujiyo oo uu xakameeyo khatarta Foden haddiiba ay iska hor yimaaddaan, sidoo kalena waa inuu la shaqeeyo weerarka oo uu kubbadaha ka keeno dhinaca bidixda.
4. Wataru Endo vs Kevin De Bruyne
Liverpool si weyn ayay ugu faa’iidday saxeexa Wataru Endo oo ay qiime jaban ku heleen, waxaana uu door weyn ka qaatay dagaalka ay kooxdu ugu jirto inay hoggaanka xajisato. Waxa uu kasoo doogay dhaawac fududaa isaga oo beddel kusoo galay ciyaartii Nottingham Forest, sidoo kalena kusoo bilowday kulankii Europa League ee Sparta Prague ee Khamiistii.
Kooxda tababare Jurgen Klopp waxa u muuqataa inay aad ugu fiican tahay khadka dhexe marka uu laacibka reer Japan ku jiro garoonka, sidoo kalena Alex Mac Allister uu helo xorriyad uu hore ugu socdo, doorkanse waxa waliba sii caawain doona Dominik Szoboszlai.
Endo waxa u taalla shaqo adag usbuucan, waana inuu joojiyo hal-abuurka Kevin De Bruyne oo ay adag tahay in la xakameeyo.
Xiddiga reer Belgium oo dhinac walba oo garoonka ah ka yimaadda, waa naqshadeeyaha kubbadda City, sidoo kalena darbado xooggan ku toogta goolka marka uu fursad u helo.