Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa diyaarisay lambarka uu xidhan doono xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay kalsooni buuxda ku qabto inay si xor ah ugala soo wareegi doonto PSG dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Kylian Mbappe ayaa ku wargeliyey kooxdiisa inuu ka tegi doono marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, waxaana uu markii hore la hadlay madaxweyne Nasser Al-Khelaifi ka hor intii aanu ciyaartoyda kooxda kula hadal garoonka tababarka maalintii Jimcihii.
Real Madrid oo muddo dheer raadinaysay laacibkan, ayaa ugu dambayntii u muuqata inay helayso ciyaartoygii ay ugu raacdadad dheerayd, waxaana gudaha qolka labbiska Real Madrid ay ciyaartoydu kasii sheekaysanayaan sida uu noqon doono xilli-ciyaareedka dambe ee kooxdoodu marka uu kooxda kusoo biiro Mbappe.
25 jirkan oo kooxdiisa Paris Saint-Germain u xidha No.7 ayaa waxa la sheegay, in Real Madrid ay u diyaarisay lambarka haleeyada, laakiin ma aha No.7 oo ay inta badan soo xidheen ciyaartoydii caanka ahaa ee Real Madrid haddana uu hayso Vinicius Junior oo la wareegay xagaagii.
Real Madrid waxa bannaan oo aanay cidina xidhnayn No.9 oo uu banneeyey Karim Benzema xagaagii tegay, laakiin Mbappe ma jecla inuu xidhno lambarkan, mana qaadan doono.
Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Kylian Mbappe waxa ay Real Madrid u diyaarisay No.10 oo uu dhamaadka xilli-ciyaareedkan bannayn doono Luka Modric oo la filayo inuu ka tago kooxdan iyadoo qandaraaskiisii sannadka ahaa ee uu saxeexay xagaagii uu ku egyahay June 2024.
Haddii Kylian Mbappe uu xidho No.10, waxa uu ku biiri doonaa liiska ciyaartooyo waaweyn oo hore usoo xidhay lambarkan, sida Luis Figo, Mesut Ozil, Clarence Seedorf, James Rodriguez, Wesley Sneijder iyo Luka Modric.
Kylian Mbappe ayaa waxa uu No.10 u xidhaa xulka qarankiisa France, waana mid uu jecelyahay halka kooxdiisa Paris Saint-Germain oo uu hore ugu qaadan jiray No.29 markii uu sannadkii 2017 kaga soo biiray AS Monaco uu u xidho No.7 oo aanu ku heli doonin Real Madrid maadaama uu haysto Vincius Junior.