Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si toos ah ugu badheedhay tartan ay Manchester United kula gelayso difaaca midig ee kooxda Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong oo Red Devils ay ku darsatay qorshaheeda xilli-ciyaareedka dambe, sidoo kalena ay doonayaan kooxo waaweyn oo reer Yurub ah.
Xiddigan reer Netherlands ee wacdaraha ka dhigaya Bayer Leverkusen ayaa noqday ciyaartoyga ugu saamaynta badan Yurub ee booskiisa ka ciyaara marka laga eego goolasha uu dhaliyey iyo kuwa uu caawiyey, isaga oo kooxdiisa ka caawiyey inay 16 dhibcood ku hoggaamiso horyaalka Bundesliga, sidoo kalena ay timaaddo finalka DFB Pokal iyo Europa League oo ay lug lasii galeen semi-finalka.
Real Madrid oo hore loola xidhiidhinayey khadka dhexe ee Bayer Leverkusene e Florian Wirtz ayaa sidoo kale doonaysa Jeremie Frimpong oo ay dagaal fool ka fool ah ku geli doonaan Manchester United.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha Christian Falk, Real Madrid iyo Manchester United oo kaliya ma aha kooxaha doonaya Jeremie Frimpong ee mid walba ay ka go’an tahay inay la saxeexato, hase yeeshee waxa sidoo kale laacibkan doonaysa Bayern Munich oo ka ciillan difaaca midig.
Falk ayaa maqaal uu ku qoray Caught Offside, waxa uu ku sheegay, in Bayern Munich ay ku dhibaatoon doonto sidii ay u xajisan lahayd Jeremie Frimpong oo qandaraaskiisa lagu burbur €40 milyan oo Euro.