Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul cajiib ah oo soo laabasho ah ka gaadhay kooxda aan xilli-ciyaareedkan oo dhan guuleysanin ee Almeria oo qaybtii hore ku hoggaaminaysay 2-0, taas oo ay saddex gool ugu beddeleen qaybta labaad.
Ciyaar adkayd oo ay hadheeyeen go’aamo garsoore oo lagu daray 11 daqiiqadood oo dheeraad ah, isla markaan ay VAR laba gool diidday hal goolna u fasaxday Real Madrid ayaa waxa kooxda tababare Carlo Ancelotti ay awoodday inay jidka guusha kusoo laabato oo ay saddex dhibcood ka xoogsato Almeria oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu.
40 ilbidhiqsi oo kaliya markii ay ciyaartu socotay ayay Almeria dhalisay gool degdeg ahaa oo ay kaga nixisay Real Madrid oo awoodi weyday inay joojiso kubbado si fudud la iskugu dhiibay oo uu Ramazani dhinaca ka dhigay goolhaye Kepa oo kusoo baxay, isla markaana lugta la helay kubadda laakiin la dhaafiyey.
Goolkan ayaa Real Madrid ku riday argagax iyo khalkhal waqti hore ahaa, waxaanay awoodi waayeen inay kasoo kabtaan qaybta hore oo dhan, illaa loogu daray gool labaad.
Almeria ayaa ciyaarta ka dhigtay 2-0 daqiiqaddii 43aad, markaas oo laad awood badan uu Edgar meel sare oo shabaqa ah ka sudhay goolka uu waardiyeynayay Kepa oo ay u ahayd habeen adag oo uu kubbadaha joojin kari waayey
Carlo Ancelotti ayaa si aan looga baranin go’aamo u qaatay waqtigii nasashada, waxaana uu beddelay saddex ciyaartoy oo ahaa Nacho, Rodrygo iyo Ferland Mendy oo qaybta hore ay kubaddu ka jeedday, waxaana uu keenay Fran Garcia, Joselu iyo Brahim Diaz oo isbeddel degdeg ah ku yeeshay kooxda, isla markaana naadiga u beddelay weerar aan baqanayn.
Real Madrid ayaa rikoodhe loo dhigay toban daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad, waxaana gool u beddelay Jude Bellingham oo kubbad diciif ah ku toogtay badhtamaha goolka, iyadoo goolhayuhuna isku tuuray dhinaca midig.
Los Blancos ayaa laga dhaliyey gool saddexaad oo uu Almeria u saxeexay xiddigii kasoo baxay kulliyaddooda ee ay iska direen ee Sergio Arribas, laakiin VAR ayaa diidday kaddib markii la xaqiijiyey in Lopy oo kubadda soo dhiibay uu dhirbaaxay Jude Bellingham oo ay kubadda ku loollamayeen.
Vinicius Junior ayaa gool labaad oo laga soohubiyey u dhaliyey Real Madrid, kaas oo marka hore uu diiday garsooruhu laakiin markii uu soo hubiyey VAR uu ku qancay in Vinicius uu garabka ku dhuftay kubadda, sidoo kalena aanu qalad ku gelin difaaca, iyadoo marka hore uu garsooruhu ku qaaday qalad ahaa inuu difaaca riixay.
Jude Bellingham ayaa hoggaanka usii dheereeyey Real Madrid oo u dhaliyey gool saddexaad oo aad u qurux badnaa oo uu kubadda ka toogtay bannaanka, laakiin markii uu dabbaal-degga bilaabay ayaa uu arkay calanka oo dhinaca ka taagan oo u sheegaya in Fran Garcia oo kubadda usoo dhiibay uu offside ku jiray.
11 daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayaa Real Madrid ay ku xaqiiqsatay guusha, waxaana kubbad uu madax ku qabtay Jude Bellingham shabaqa kusii leexiyey Dani Carvajal, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Real Madrid.