Kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo shirkadda Adidas ayaa ku heshiiyey midabka dharka ay ciyaartoyda kooxdaasi ku dheeli doonaan xilli-ciyaareedka dambe, kaas oo ka koobnaanaya laba nooc oo ah garamada ay xidhan doonaan ciyaaraha ay martida yihiin.
Los Blancos ayaa waxa ay dib usoo celisay midab xasuus leh oo ay xiddigaheedu xidhnaayeen xilli-ciyaareed ay guulo waaweyn gaadheen oo ay gacanta ku dhigeen tartanka Champions League.
Real Madrid oo rajaynaysa in xilli-ciyaareedka dambe uu shaadhkeeda xidhan doono xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa waxa ay soo bandhigtay laba naqshadood oo ay ka koobnaan doonaan dharka ay ku ciyaari doonaan xiddigaheeda.
Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, dharka koowaad ee kooxda ayaa noqon doona caddaan oo ah midabka aan isbeddellin ee naadiga, laakiin laba kale oo ay ku ciyaari doonaan kulamada ay martida yihiin ayaa lasoo bandhigayaa.
Shirkadda Adidas ayaa waxa ay bilaabaysaa daabacaadda garamo uu midabkoodu yahay ‘Liimi’ (Orange) oo ah dookha koowaad ee kulamada martida, kaas oo ay xidhnaayeen toban sannadood ka hor waqtigii uu Carlo Ancelotti u qaaday Champions League sannadkii 2014.
Midabka saddexaad ayaa waxa uu noqon doonaa Brown, waana garamada dookha saddexaad, waxaanay noqon doontaa markii koowaad ee abid ay Real Madrid xidhato dhar noocaas ah.