Thiago Alcantara ayaa go’aan laga gaadhayaa in la ciyaarsiiyo kulanka caawa, laakiin waxa lagu soo daray liiska kooxdiisa Liverpool oo uu ka maqnaa tan iyo bishii April ee sannadkii hore, iyadoo tababare Jurgen Klopp uu dib u helay ciyaartooyo muhiim ah.
Mohamed Salah oo dhaawac ah, Wataru Endo oo ku maqan xulka dalkiisa Japan, Joel Matip oo illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka dhaawac u jiifaya, Stefan Bajcetic oo aan la garanayn waqtiga uu soo laabanayo iyo Ben Doak ayaa Liverpool aanay haysanin maanta oo ay garoonkooda Anfield ku qaabbilayaan kooxda heerka labaad ee Norwich City.
Liverpool ayaa iska xaadirin doonta wareegga shanaad haddii ay guul ka keento ciyaartan oo noqonaysa kulankii koowaad ee ay Liverpool ciyaarto tan iyo markii uu tababare Jurgen Klopp shaaciyey inuu ka tegayo kooxdan bisha June.
Marka laga yimaaddo in taageereyaashu ay la murugaysan yihiin bixitaanka Jurgen Klopp, haddana waxa ka farxinaya inay dib ugu soo laabteen oo liiska kooxda lagu soo daray xiddigaha muhiimka ah ee Trent Alexander-Arnold, Andy Robertson, Thiago Alcantara, Kostas Tsimikas iyo Dominik Szoboszlai oo taam kasoo noqday dhaawacyo, kuwaas oo ay u badan tahay in aanu qaarkood halis ku gelin doonin ciyaartan oo uu usii dhigan doono ciyaarta adag ee Chelsea ee dhamaadka usbuuca.
Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu toddobaadkii hore iska xaadirisay finalka Carabao Cup oo ay Chelsea la ciyaari doonaan bisha January, waxa ka go’an inuu wax walba u sameeyo sidii uu ugu dagaallami lahaa tartanka FA Cup, waxaase uu maanta fursad siin doonaa ciyaartoyda da’yarta ah ee Bobby Clark, Lewis Koumas iyo Trey Nyoni.
Xiddigaha Liverpool ee kulanka Norwich City
Goolhayeyaal: Alisson Becker, Caoimhin Kelleher, Adrian.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Jarell Quansah, Joe Gomez, Luke Chambers, Owen Beck, Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold.
Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Bobby Clark, Curtis Jones, Harvey Elliott, Ryan Gravenberch, Dominik Szoboszlai, Thiago Alcantara.
Weeraryahanno: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Diogo Jota, Kaide Gordon, Luis Diaz, Trey Nyoni.