Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa safar ku tegay magaalada Manchester oo ay galabta marti ugu noqonayaan Man United, waxaana tababare Jurgen Klopp uu Liverpool kaga tegay sagaal ciyaartoy oo muhiim ah oo dhaawacyo ku seegaya kulankan.
Liverpool ayaa haddii ay badiso usoo gudbi doonta wareegga siddeedda, laakiin Manchester United ayaa iyadana uu xilli-ciyaareedkeedu dhiman doonaa haddii ay guul ka keeni waayaan kulankan, maadaama ay waqti hore ka hadheen tartamada kale, sidoo kalena ay kaalinta lixaad kaga jiraan horyaalka Premier League oo aanay wax rajo ah ka qabin.
Jurgen Klopp ayaa shaaciyey, in difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo ku dhaawacmay kulankii Europa League ee Sparta Prague ee lugtii hore, aanu taam u ahayn kulanka Man United, taas oo ka dhigan in ay difaaca dhexe ka wada ciyaari doonaan Virgil van Dijk iyo Jarell Quansah.
Safarka Liverpool waxa aan raacin sagaal ciyaartoy oo muhiim ah, waana Ibrahima Konate, Joel Matip, Alisson Becker, Diogo Jota, Trent Alexander-Arnold, Stefan Bajcetic, Curtis Jones, Thiago Alcantara iyo Ben Doak, iyadoo Jurgen Klopp uu sheegay in marka laga soo noqdo ciyaaraha caalamiga ah uu filayo in ay usoo laaban doonaan Trent Alexander-Arnold, Diogo Jota iyo Curtis Jones.
Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Liverpool ee safarka ugu tegay Man United
Goolhayeyaal: Caoimhin Kelleher, Fabian Mrozek, Adrian.
Difaacyahanno: Conor Bradley, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Andy Robertson.
Khadka Dhexe: Wataru Endo, Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister, Ryan Gravenberch, Harvey Elliott, Bobby Clark, James McConnell.
Weerarka: Luis Diaz, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Cody Gakpo, Kaide Gordon, Jayden Danns, Lewis Koumas.