Tababaraha Chelsea ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka maanta ee semi-finalka FA Cup ee ay waajahayaan Manchester City, kaas oo ay u dagaallamayaan inay tagaan finalka markii afraad sannadkii 2020.
Mauricio Pochettino ayaa safkiisu uu helay war togan ka hor ciyaartan, waxaana usoo laabtay ciyaartooyo hore dhaawac ugaga maqnaa oo taam u noqday kulanka maanta oo ay u baahan yihiin guul qasab ah maadaama tartanka kaliya ee ay ku jiraan amaba koobka kaliya ee ay ku guuleysan karayaan uu yahay FA Cup oo maanta la go’aaminayo inay finalka gaadhi doonaan iyo in kale.
Chelsea ayaa dib usoo dhoweysay laacibka reer England ee Raheem Sterling oo xanuun kaga maqnaa dhawrkii ciyaarood ee u dambeeyey, sidoo kalena waxa taam noqday laacibka reer Argentina ee Enzo Fernandez oo dhaawac ku seegay ciyaartii Isniintii ay guusha weyn kooxdiisu ka gaadhay Everton.
Waxa kale oo maqan Reece James, Romeo Lavia, Wesley Fofana iyo Lesley Ugochukwu.
Xiddigaha Chelsea ee kulanka Man City ee maanta
Goolhayeyaal: Rob Sanchez, Djordje Petrovic
Difaacyahanno: Malo Gusto, Trevoh Chalobah, Alfie Gilchrist, Thiago Silva, Axel Disasi, Marc Cucurella, Ben Chilwell, Benoit Badiashile
Khadka Dhexe: Enzo Fernandez, Moises Caicedo, Conor Gallagher, Carney Chukwuemeka
Weeraryahanno: Raheem Sterling, Cole Palmer, Nicolas Jackson, Mykhailo Mudryk, Noni Madueke, Deivid Washington