Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waayaysa sagaal ciyaartoy oo muhiim ah kulanka maanta ee Burnley ee horyaalka Premier League, taas oo ay u baahan tahay in kooxda tababare Jurgen Klopp ay kusoo laabato tubta guusha kaddib khasaarihii ay kala kulmeen Arsenal usbuucii hore.
Reds ayaa ku qasban inay guul keento si ay ugu sii negaato horyaalka Premier League oo ay Manchester City si ku-meelgaadh ah ula wareegi doonto isla maanta haddii ay ka guuleysato Everton, iyadoo waliba kooxda tababare Pep Guardiola gacanta ku haysata ciyaar baaqi u ah.
Jurgen Klopp oo kooxdiisu ay ciyaartii hore ee Burnley ee Turf Moor ay kusoo adkaatay 2-0 oo ay goolasha u dhaliyeen Darwin Nunez iyo Diogo Jota, ayaa mar kale doonaysa inay saddexda dhibcood ka xoogto Burnley, laakiin waxa ay tebi doonaan ciyaartooyo muhiim ah oo seegaya kulankan.
Thiago Alcantara oo dib ugu laabtay dhaawac uu kasoo kabtay ciyaartii Arsenal iyo Conor Bradley oo wali la murugaysan geerida aabbihii ayaa maqnaanaya, sidoo kalena waxa aan wali soo kabanin Mohamed Salah oo u jiifa dhaawac kasoo gaadhay tartanka qaramada Afrika, laakiin waxay Liverpool rajaynaysaa in xiddiga Masar uu taam u noqon doono ciyaarta Brentford ee Sabtida usbuuca dambe.
Waxa kael oo ka maqan Ibrahima Konate oo ganaax ah, Ben Doak, Dominik Szobozlai, Joel Matip, Stefan Bajcetic iyo Kostas Tsimikas.
Laakiin warka fiican ayaa waxa uu yahay in Liverpool ay dib u heshay laacibka khadka dhexe ee Wataru Endo oo kasoo laabtay ciyaaraha qaramada Asia ee uu u dheelayay waddankiisa Japan.
Liiska xiddigaha Liverpool ee kulanka Burnley
Goolhayeyaal: Adrian, Alisson, Caoimhin Kelleher.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Jarell Quansah, Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk.
Khadka Dhexe: Alexis Mac Allister, Bobby Clark, Curtis Jones, Harvey Elliott, James McConnell, Ryan Gravenberch, Wataru Endo.
Weerarka: Cody Gakpo, Darwin Nunez, Diogo Jota, Luis Diaz.