Finalka FA Cup ayay maanta ku kala calaf-qaadi doonaan kooxaha isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City oo ay ciyaartoydoodu shalay u safreen magaalada London oo garoonka Wembley Stadium lagu dheeli doono finalka.
Goolhaye Ederson oo dhaawac ah ayaa si lama filaan ah uga mid noqday ciyaartoyda Man City ee kulankan ee u safartay magaalada London, laakiin uma badna inuu ciyaari doono maadaama uu inta badan tartankan dheelayey goolhayaha labaad ee Stefan Ortega.
Tababare Pep Guardiola ayaa liiska ciyaartoydiisa oo uu soo saaray, waxa ciyaartoygii kali ahaa ee la filayey inuu ka maqnaado oo ahaa Ederson uu ka mid noqday ciyaartoydii shalay tareenka ugu safartay magaalada London.
Manchester City oo hore ugu guuleysatay horyaalka Premier League ayay ka go’an tahay inay ku darsato FA Cup oo ay xilli-ciyaareedkii horena ku guuleysatay, halka Man United oo lixdii sannadood ee ugu dambeeyey qaadday hal koob oo kaliya oo ahaa Carabao Cup ay iyaduna nafta huri doonto.
John Stones ayaa raadin doona kusoo bilaabasho dhif ah iyadoo tababare Pep Guardiola uu sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey hal mar oo kaliya kusoo bilaabay oo uu ka doorbiday Manuel Akanji, sidoo kalena Jack Grealish ayaa garabka midig ay ku tartami doonaan Jeremy Doku.
Halkan kaga bogo xiddigaha Man City ee kulanka finalka FA Cup ee Man United
Ederson, Ortega, Carson, Grant, Stones, Dias, Ake, Akanji, Walker, Gvardiol, Lewis, Gomez, Rodri, De Bruyne, Bernardo, Kovacic, Nunes, Grealish, Foden, Doku, Bobb, Haaland, Alvarez.