Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u safray waddanka Talyaaniga oo ay ka doonayaan guul weyn oo qasab ah si ay ugu sii jiri karaan tartanka Europa League, waxaana ay marti u noqon doonaan Atalanta oo lugtii hore 3-0 ku garaacday.
Khamiistii ayay Liverpool burbur lama filaan ah kala kulantay Atalanta oo garoonka Anfield ku xasuuqday 3-0, waxaana u raacday Crystal Palace oo iyaduna 1-0 kaga badisay Axaddii, iyadoo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah helin Liverpool.
Conor Bradley oo dhaawac ah ayaa ka maqnaaday liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka caawa, laakiin waxa booskiisa kusoo laaban doona Trent Alexander-Arnold oo tan iyo bishii February ka maqnaa garoomada, halka Diogo Jota uu isaguna kusoo bilaabanayo weerarka isaga oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo u jiifay.
Stefan Bajcetic ayaa inkasta oo lagu soo daray liiska kooxda ee toddobaadkii hore, waxa uu haddana ka maqan yahay liiska xiddigaha u safray waddanka Talyaaniga oo xalay halkaas gaadhay.
Liverpool ayaa waxa ciyaartan ka maqan shan ciyaartoy oo kala ah Thiago Alcantara, Stefan Bajcetic, Conor Bradley, Ben Doak iyo Joel Matip.
Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Liverpool ee kulanka Atalanta
Goolhayeyaal: Caoimhin Kelleher, Adrian, Alisson.
Difaacyahanno: Andy Robertson, Ibrahima Konate, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Trent Alexander-Arnold.
Khadka dhexe: Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister, Curtis Jones, Ryan Gravenberch, Harvey Elliott, Bobby Clark, James McConnell, Wataru Endo.
Weerarka: Luis Diaz, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Cody Gakpo, Jayden Danns, Diogo Jota.