Xidhiidhka garooreyaasha Spain iyo xidhiidhka kubadda cagta dalkaas ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay garsooraha ay u doorteen ciyaarta El Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona ee finalka Spanish Super Cup ee Axadda.
Labada kooxood ee ugu awoodda badan waddanka Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa iskugu soo baxay finalka Spanish Super Cup, kaddib markii ay wareeggii semi-finalka kusoo garaaceen kooxaha Atletico Madrid iyo Osasuna.
Ciyaartan oo la filayo in ay noqoto mid xamaasaddeedu sarrayso ayaa waxa dhaxdhaxaadin doona garsoore Martínez Munuera, iyadoo garsooraha VAR loo doortay Soto Grado.
Martínez Munuera ayay u noqon doontaa markii afraad ee uu qabto El Clasico oo uu garsoore u noqdo Real Madrid iyo Barcelona, waxaana markii ugu horreysay ay ahayd xilli-ciyaareedkii 2019-20 oo Real Madrid ay garoonka Camp Nou 3-1 kusoo garaacday Barcelona. Ciyaartii labaadna waxay ahayd kulan ay Real Madrid 4-0 ku karbaashtay Barcelona oo ka dhacday Santiago Bernabeu.
Ciyaartii ugu dambaysay ee El Clasico ee uu Martínez Munuera garsooro waxay ahayd xasuuqii ba’naa ee lama illaawaanka ahaa ee ay Barcelona ugu geysatay Real Madrid garoonkooda Santiago Bernabeu oo ay 4-0 ku muquunisay.