Manchester United, Liverpool iyo Arsenal ayaa u duuli doona waddanka Maraykanka xagaaga, halkaas oo ay kusoo yeelan doonaan ciyaaro saaxiibtinimo oo adag oo ay iskugu diyaarin doonaan xilli-ciyaareedak 2024/25, iyadoo Man City aan wali la shaacin jadwalkeeda oo u badan dhinaca Asia.
Maraykanka ayaa martigelin doona tartan weyn oo koob lagu kala qaadi doono oo kooxaha Yurub ee safarka ku tegaya dalkaas ay taageereyaashu ku madadaalan doonaan.
Sannadihii ugu dambeeyey, kooxaha Yurub ayaa xagaaga u duulayey Maraykanka, waxaana sannadkan lasii shaaciyey in mar kale Maraykanku uu martigelin doono El Clasico oo ay kooxaha Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ku kulmi doonaan.
Sidoo kale, Liverpool, Arsenal iyo Manchester United ayaa la xaqiijiyey inay tegi doonaan Maraykanka oo ay isku arki doonaan tartanka Maraykanku uu martigelinayo ee loo qorsheeyey in ciyaaraha saaxiibtinimo ay noqdaan kuwo ay kooxuhu ku helaan koob oo loo qaabeeyey qaab horyaal oo kale.
Manchester United ayaa la ciyaari doona Real Madrid, Borussia Dortmund iyo Wrexham inta uu tartanku socdo, halka Arsenal ay ku furan doonto xiddigaha Maraykanka laga ururiyey ee ‘MLS All-Star, ka hor inta aanay Barcelona isku haleelin garoonka magaalada Los Angeles.
Liverpool oo sannadihii ugu dambeeyey tegaysay Singapore oo ay Leicester City iyo Bayern Munich ku wada ciyaareen ayaa markan u hihaysan doonta Maraykanka oo ay ugu dambaysay sanadkii 2019kii, waxaanay waajihi doonaan kooxaha waaweyn ee Ingiriiska, sida Man United.
Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaan wali la shaacinin halka ay tegayaan, waxayse u socda wada-hadallo ku saabsan inay iyagu kulmaan oo ay wada-ciyaaraan inkasta oo aan la shaacinin halka ay noqonayso.