Paris St-Germain ayaa dib usoo cusboonaysiisay damaceedii xiddiga Manchester United ee Marcus Rashford, kaas oo la sheegay in uu isaguna doonayo inuu iskaga tago Old Trafford. PSG ayaa u aragta inuu yahay beddelka ugu fiican ee Kylian Mbappe. (Sun)
Tottenham ayaa ka fiirsanaysa inay dalab £50 milyan oo Gini ah ka gudbiso weeraryahanka kooxda Bournemouth iyo xulka England ee Dominic Solanke. (Sun)
Fulham waxay doonaysaa weeraryahanka Chelsea aa Armando Broja oo 22 jir ah, laakiin wali waxay ka hoosaysaa lacagta ay dalbanayso Chelsea oo ah £50 milyan oo Gini. (Telegraph)
West Ham waxay ogolaatay inay £15 milyan oo Gini ku iibiso garabka weerarka Algeria ee Said Benrahma oo 28 jir ah, kaas oo la sheegay in ay doonayso Lyon. Waxa kale oo ay Hammers diyaar u tahay inay iibiso khadka dhexe ee Spain ee Pablo Fornals oo 27 jir ah. (Mail)
Liverpool waxay doonaysaa difaaca kooxda Fulham ee Tosin Adarabioyo oo 26 jir ah xagaaga soo socda. (Mirror)
Weeraryahanka Juventus iyo xulka Talyaaniga ee Moises Kean oo 23 jir ah, ayaa kusii negaan doona naadigiisa kaddib markii uu burburay heshiis amaah ahaa oo uu ku tegi lahaa Atletico Madrid. Laacibkan ayaa ku fashilmay inuu ka gudbo tijaabada caafimaadka. (ESPN)
Bayern Munich waxay doonaysaa garabka weerarka Granada iyo xulka Spain ee Bryan Zaragoza oo 22 jir ah. (Bild)
Xiddiga Manchester United ee Facundo Pellistri ayaa ka tegaya Old Trafford, waxaana uu amaah ugu wareegayaa kooxda reer Spain ee Granada. (Athletic)
Manchester United ayaa rajaynaysa inay maalmaha soo socda magacowdo agaasime cusub oo ciyaaraha ah, kaas oo hagi doona waaxda iibka ciyaartoyda ee kooxda. (Telegraph)
Garabka weerarka Manchester United iyo Ivory Coast ee Amad Diallo oo 19 jir ah, ayaa dib ugu laaban doona kooxdii uu amaahda ugu maqnaa xilli-ciyaareedkii hore ee Sunderland, kaddib markii ay u caddaatay in Erik ten Hag aanu fursad siin doonin. (Football Insider)
Leicester City ayaa sheegtay in aanay iibinayn khadka dhexe ee reer England ee Kiernan Dewsbury-Hall oo 25 jir ah, inkasta oo ay doonayaan kooxaha Brighton, Brentford, Fulham iyo Arsenal. (Football Insider)